Skip to main content
King County logo

Gugan, labada wado waxay ka leexanayaan 23rd Avenue South inta u dhaxysa South Jackson Street iyo Rainier Avenue South, waxaanay u leexanayaan oo ay maridonaan wadada Martin Luther King Jr Way South inta Waaxda Gadiidka ee Seattle (Seattle Department of Transportation) ay wado mashruuc dhisma ah oo lagu hormarinayo nabadgelyada iyo dhaqdhaqaaqa 23rd Avenue South (eeg khariidada).

Adeeqa labada wado waxba iskama bedelayaan halka sanno ay wadadu u leexanayso Martin Luther King Jr. Way South. Taas macnaheedu waxa weeye basasku waxay iman donaan halkaas inta jeer ee ay hada yimaadaan in le’eg iyo saacadaha ay hadda yimaadaan oo kale.

Eeg faahfaahin dheeraad ah

Isbeddelada baska

  • Maadaama aysan lahayn Martin Luther King Jr. Way South waayirka korontada sida ee baabuurtu ku socoto (Trolley Wire), dhammaan adeega wixii ka xigga Koonfur East Jefferson Street waxa la isticmaali doona basaska naaftada (diesel buses) oo bilaabmi doona Maalinta sabtida, tobanka bisha Maarso (Saturday, March 10). Maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha (weekdays) dadka hore u sii soconaya wadada 4, waa inay East Jeffetrson Street kaga degaan baska naftada (diesel buses) oo ay ku wareegaan basaka korontada (Electric Trolley bus). Maalmaha Sabtida iyo Axada (weekends) basaska naftada (Diesel buses) ayaa ka adeegaya wadada 4 oo dhan, marka looma baahna kala bedel ka dhaca East Jefferson Street.

    Adeega basaka ee maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha iyo kuwa Sabtida iyo axadu waxay sticmaalayaan basas cabir buuxa lana gaadhi karo oo ku socda shidaalka naftada.
  • Marka dhismuhu uu ka bilawdo wadada 23rd Avenu South, basaska ka adeega wadada afaraad waxay uguurayaan wadada Martin Luther King Jr. Way South. Markaa Kadib, basaska wadada afraad dib ugama adeegayaan wadada 23rd Avenue South iyo Judkins Park (inta u dhaxaysa South Dearborn iyo wadadda South Judkins).
  • Wadada 48 (Route 48) waxay ka adeegeysaa 23rd Avenue South ilaa marka dhismaha wadadda 23rd Avenue South uu ku kelifayo in basasku u wareegaan Martin Luther King Jr. Way S.

Seattle waxay bilaabaysa dhismaha agagaarka wadada 23 ee koonfur (23rd Avenue S) inta u dhaxaysa S Jackson Street iyo Rainier Avenue S gugan si loo hormariyo badbaadada iyo dhaqdhaqaaqa. Dhismuhu wuxuu ka koobnaan doona in dib loo hagaajiyo wadada, biyaha iyo laydhka iyo dhulka dadku maro ee agaggarka wadada.

War intaa ka badan waxaad ka helli karta boga intarnetka ee 23rd Avenue Corridor Improvements Page  , Seattle Department of Transportation (Waaxda Gadiidka ee Seattle).

Inaga nala soo xiriir

Tristan Cook, King County Metro Transit
U dir email ugu dir Tristan
ama wac 206-296-0850


Translation disclaimer