Skip to main content

Jawaab celinta xakamaynta xayawaanka

Jawaab celinta xakamaynta xayawaanka

Si farxad leh ugu adeegaya degmooyinka King County iyo 25 magaalo oo heshiis la leh

Haddii aad la kulantid xaalad degdega oo xayawaanka oo nafta halis ku ah, wac 9-1-1..

*RASKC waxay bixisaa 24-saac wax ka qabashada amaanka guud ee xayawaanka khatarta ah, xayawaanka ku lunsan waddooyinka dadweynaha, iyo sidoo kale dhaawac, iyo ku xadgudubka xayawaanka. Waxaan naga go'an inaannu kor u qaadno oo ilaalino caafimaadka, badbaadada iyo daryeelka dadka iyo xayawaanka magaalooyinka heshiiska nala galay iyo degmooyinka King County. Waxaan ka jawaabaan wicitaanada aan degdegta ahayn toddoba maalmood ee todobaadkii saacadaha u dhaxeeya 7:30 am ilaa 6:30 pm.

Saraakiisha Xakamaynta Xayawaanka (ACOs) waxay sameeyaan baaritaanada, dhaqangeliyaan sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah oo la xidhiidha xayawaanka, iyo sidoo kale baraan dadweynaha waxyaabaha ku saabsan daryeelka xayawaanka, xakamayntooda, iyo shatiyadooda.

ACO ayaa ka jawaab in ka badan 5,000 oo wicitaana sannad kasta oo ka yimaada degmooyinka King County iyo shan iyo labaatan magaalo oo heshiis nala ah, oo daboolaya ku dhowaad 1,100 square-miles iyo dadka xooga ka badan 1 million.

*Ma hubit haddii RASKC ay ka adeegto meesha aad degan tahay? Riix halkan si aad u xaqiijiso deegaankaaga adigoo ku qoraya ciiwaankaaga.

Si aad u soo gudbiso foomka cabashada xayawaanka, fadlan raac tallaabooyinka hoos ku qoran:

Tallaabada 1: Hubi in RASKC u adeegto meesha aad degan tahay adigoo riixaya halkan

Tallaabada 2: Ku buuxi foomka cabashada xayawaanka online(tani waxay si toos ah ugu soo gudbinaysa xarunteena wicitaanka) ama soo maanguurso (download) foomka oo ugu soo dir RASKC mid ka mid ah siyaabaha soo socda:

  • Emailka ah: pets@kingcounty.gov
  • Boostada: Regional Animal Services of King County (RASKC), 21615 64th Ave. Kent, WA 98032
  • Fakiska: 206-205-8043
  • ama soo wac: 206-296-7387 (PETS), qadka "6"

Tallaabada 3: Wakiilka xarunta wicitaanka ayaa u sameyn doonaa lambar kiiska si ay qaybta xakamaynta xayawaanku u soo baaraan..

Wixii su'aalo ah oo ku saabsan caafimaadka ama buuqa duurjoogta, fadlan wac ama kala xiriir website-ka lagu siiyay macluumaad dheeraad ah:

Dadka ku nool magaalada iyo meelaha magaalada hareeraheeda ah ee King County waa inay filayaan inay ku noolaadaan heerarka dhawaaqa qaylada oo isku mida. Xitaa meelaha miyiga ah ayuu saamayn karaa buuqu. Gaadiidka, carruurta xaafadda, qalabka cawska lagu jaro, eeyaha qayladood ayaa ah dhawr tusaale. Deegaanade ahaan, waxaa laga filayaa inaad u dulqaadan karto inta badan codadka kuwan gudohooda intii macquula. Hase ahaatee, haddii ay jirto qaylo xad dhaafa oo uu sababayo xayawaan, waxaa jira dhowr waxyaabo oo aad sameyn karto..

1. La xariir milkiilaha xayawaanka Isku day inaad kala hadasho milkiilaha xayawaanka dhibaatada. Mararka qaarkood milkiilayaasha kama warqabaan dhibaatada, gaar ahaan haddii aanay joogin guriga. Wada xaajoodka derisku waa ku caawin kara. Isku day inaad ka wada shaqeeysaan xal wadajir oo fudud, oo u ogolaanaya milkiilaha xayawaanka waqti macquul ah si uu wax uga qabto xaaladda. Meel ku Qor taariikhaha iyo waqtiyada aad la xiriirtay milkiilaha xayawaanka iyo jawaabaha aad ka heshay..

2. U dir milkiilaha waxyaabaha waxtarka u leh kahortagga buuqDaabaco Boggayaga Qoraallada kahortagga Qaylada Arbushaada iyo Waraaqda Buuq, oo la wadaag qalabkaas milkiilaha xayawaanka. Waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo milkiilayaasha xayawaanka inay fahmaan dhibaatada oo siiyaan fikradaha qaarkood oo ku saabsan saxitaanka arrimaha xayawaanka buuq badan.

3. Qoraal ka samee oo soo gudbi Codsiga Cabashada BuuqaHaddii aad isku dayday oo aad ku guuleysan weyday inaad wada xalisaan dhibaatada adigoo kala hadlay milkiilaha xayawaanka, oo aad u sheegtay deriska kale kuwaas oo sidoo kale uu dhibayo sawaxanka, waan ku caawin karaan. Soo Maanguurso Foomka Ashtakada Dacwada Buuqa (zip). Hubso inaad si taxadir leh u raacdo tilmaamaha. Udiiwaangeli dhacdooyinka si fiican oo daacad ah, waxaa laga yaabaa in aad u baahato inaad ka marag furto racfaanka dacwada.

  • o Fadlan la soco in waa in aad haysataa cinwaanka saxda ah ee meesha xayawaanka buuqa keenaya uu ku nool yahay, ugu yaraan saddex ruux oo ka cabanaya, oo foomka waa in la soo saxiixay.

Soo dir codsiga aad buuxisay adigoo isticmaalaya mid ka mid ah hababka soo socda:

  • Emailka ah: pets@kingcounty.gov
  • Boostada: Regional Animal Services of King County (RASKC), 21615 64th Ave. Kent, WA 98032
  • Fakiska: 206-205-8043
  • Wac: 206-296-7387 (PETS), qadka "0", Isniinta - Jimcaha 8:30 a.m. ilaa 4:30 p.m.

RASKC waxay la xiriiri doonaan milkiilaha xayawaanka si ay u sheegaan in cabasho laga soo gudbiyay iyo inay qaadaan tallaabooyin ay ku saxayaan dhibaatada.

4. Haddii dhawaaqaa uu weli sii socdo Ha joojin inaad qorto dhibaatooyinka sawaxanka. Haddii tallaabooyinka kor ku xusan xalin waayaan dhibaatada, RASKC waxay qaadi kartaa sii kordhinta ficilka tallaabada fulinta. Si aannu sidaa u sameyno, nala soo xiriir oo noo soo gudbi warbixinta cusub ee dhibaatada sii socota. Waxaan sii wadi doonaa inaannu ka shaqeeyno qaska buuqa qaylada inta aad adiga iyo deriskaaga sii wadaan qoritaanka dhibaatooyinka joogtada ah iyo macluumaadka aad noo soo gudbisaan. Haddii loo baahdo, saraakiisha RASKC ayaa la soo diri doonaa, oo waxay samayn karaan ogeysiis dheeraad ah oo xadgudubka ilaa iyo inta dhibaatada laga xalinayo.

Haddii aad qabtid su'aalo, fadlan soo wac 206-296-7387 (PETS) qadka 6, ama emailka ah pets@kingcounty.gov

S: RASKC ma ka jawaabaan dhibaatada qaylada duurjoogta?

J: Maya, RASKC waxay awood u leedahay xayawaanka rabbaayada , sida bisadaha iyo eyda, iyo xoolaha sida fardaha.

Duurjoogta waxaa awood sharci u leh Waaxda Kalluumaysiga iyo Duurjoogta ee Gobolka Washington. Kuwaas waxaa ka mid ah deerada, daayeerka duurka, coyotes, haramcadka, iyo orsaha. Kala xiriir Waaxda Kalluumaysiga iyo Duurjoogta ee Gobolka Washington (425) 775-1311 wixii arrimaha duurjoogta la xiriira.

S: Sidee ayaan u soo gudbiya cabashooyinka ku saabsan qaylada eeyaha ama xayawaanka kale ee buuq badan?

J: Fadlan ka eeg bogaan qaybtiisa Buuqa Xayawaanka.

S: Sidee ayaan u sameeyaa cabasho?

J: Naga soo wac (206) 296-7387 si aad u sheegto cabashooyinka la xiriira xayawaanka. Hubso in aad haysato cinwaanka milkiilaha xayawaanka iyo nooca xayawaanka kahor inta aadan samaynta cabashada.

S: Ma heli kara inaan ogaado cida sameeysay cabashada iga soo horjeeda?

J: Codsiyada noocaas oo kala, fadlan booqo bogga diiwaanka dadweynaha bogga Diiwaannada iyo Adeegyada Shatiyada (RALS) ee website-ka Qaybta.

S: Digaaga ama xoolaha la dhaqdo ma loo ogol yahay xaafaddeena?

J: RASKC ma dhaqangaliso xeerkaas. Ka eeg Waaxda Oggolaanshaha iyo Dib u eegida Degaanka wixii macluumaad dheeraad ah.

rsz_aco-by-truck
rsz_adptqst_jpg
rsz_kitten_being_bottle_fed
rsz_aco-with-dog2

Qadka Macluumaadka Xayawaanka
206-296-7387

TTY Relay 711

expand_less