Skip to main content

Fariin Muhiim ah oo La Turjubayo oo ah U Diyaar Garawga Qiiqa Dabka Kaynta wakhtiga Safmarka COVID-19

Fariin Muhiim ah oo La Turjubayo oo ah U Diyaar Garawga Qiiqa Dabka Kaynta wakhtiga Safmarka COVID-19

  • Qiiqa dabka kayntu waa uu u daran yahay cid walba. Caruurta, dumarka uurka leh, dadka ka wayn 65 jirka, ama dadka qaba xanuunka ama cudurada neefsiga, wadne xanuun, ama macaan ayaa ugu nugul.

  • Qiiqa dabka kaynta xagaagan waxa uu keeni karaa khatar dheeraad ah oo dadka qaba ah COVID-19 inay kasii daraan calaamadahoodu.

  • Dad badan oo uu ku dhacay COVID-19 ayaa sidoo kale u nugul saamaynta qiiqa dabka kaynta.

  • Marada afka lagu duubto iyo wajigashad qaliinka waxay ka taraan wax yar qiiqa dabka kaynta. Neefsiga N95 waxa uu ka caawin karaa dadka inuu ka ilaaliyo qiiqa dabka kaynta marka si wanaagsan loo isticmaalo. COVID-19 dartiis, waxaa yaraaday sidii loo heli karaa waji gashadyada neefsiga ee noocan ah.

  • Waxa aad u diyaar garawdaa qiiqa dabka kaynta sanadkan adiga oo qaadaya talaabooyinka loogu diyaar garoobayo guriga, in la ogaado meesha la qabanayo, in la sameeyo qorshaha caafimaadka shakhsi ahaaneed iyada oo la iska kaashanayo daryeelka caafimaad bixiyaha, iyo barashada sida loola soconayo xaalada tayada hawada iyo saadaasha qiiqa dabka kaynta.

  • U diyaarinta guriga iyada oo hawada guriga dhaxdiisa la nadiifinayo.
    • Hadii aad haysato nidaamka HVAC, waxa aad ku badashaa filtarada MERV 11, MERV 13, ama HEPA.
    • Waxa aad isku daydaa inaad soo iibsato hawo nadiifiyaha guriga dhexdiisa si aad ugu nadiifiyo hawada qol kaliya si aad u abuurto qol hawo nadiif ah leh gurigaaga.
    • Waxa aad samaysaa mid kuu gaar ah taas oo kharash yar oo tayada hawada kor looqu qaadi karo qol kaliya oo gurigaaga ah si aad u abuurto qol hawo nadiif ah leh. Macluumaadka Sidaad U Samaynta Karto (Do-It-Yourself, DIY) nadiifiyaha hawada ee la qaadi karo iyo tilmaamaha amaanka ee muhiimka ah waxaa aad kala socon kartaa websaytka Hay'ada Nadiifinta Hawada ee Puget Sound: www.pscleanair.gov/525/DIY-Air-Filter.

  • Hadii aad qabto xanuun hore, waxa aad samaysataa qorshe caafimaad oo shakhsi ahaaneed oo aad ugu diyaar garoobayso qiiqa dabka adiga oo kala sheekeysanaya daryeelka caafimaad bixiyaha caafimaadkaaga iyo qiiqa dabka kaynta sida uu kuu saamayn karo.

  • Waxa aad la socotaa xaalada tayada hawada iyo saadaasha qiiqa dabka kaynta xagaagan adiga oo online ahaan qabanaya websaytka Puget Sound Clean Air Agency.
expand_less