Skip to main content

Food safety rating system in Somali

Qaybaha Kala Duwan ee Qiimaynta Amaanka Cuntada

Maqaayadaha waxay helaan mid ka mid ah afarta qiimeynada badqabka cuntada si ay u siiso dadweynaha warbixin dheeraad ah oo ku saabsan heerka hab dhaqamada badqabka cuntada maqaayada, taasoo ka caawineysa inay go'aano xog ogaal ah ka gaaraan banana ka cunida.

  • U baahan wax ka bedel:
    Maqaayadan waxaa xiray Caafimaadka Dadweynaha – Seattle iyo Deegaanka King midkood oo sannad la soo dhaafay gudahiis ah ama u baahan baaritaano badan oo lagu saxayo dhaqamada aan ammaan ahayn marka la maaraynayo cuntada.
  • Caadi ah: 
    Intii lagu jiray afartii kormeer ee la soo dhaafay, makhaayadda waxaa la ogaaday in ay raacdo dhaqamo aan ammaan ahayn marka la maaraynayo cuntada.
  • Fiican: 
    Intii lagu jiray afartii kormeer ee la soo dhaafay, makhaayadda waxaa la ogaaday in ay raacdo dhawr dhaqamo oo aan ammaan ahayn marka la maaraynayo cuntada.
  • Heer-sare: 
    Intii lagu jiray afartii kormeer ee la soo dhaafay, makhaayadda waxaa la ogaaday inaysan raacin ama ay raacday dhaqamo yar oo aan ammaan ahayn marka la maaraynayo cuntada.

Maxay ku salaysan tahay qiimaynta makhaayaduhu?

Qiimaynta makhaayaduhu waxay ku salaysan tahay laba arrimood:

  • Hab dhaqanka ammaanka cuntada.
    Waa in amaanka cuntada maalin kasta la ilaaliyaa. Calaamadaha daaqadaha ee amaanka cuntadu waxay ka turjumayaan qiimaynta guud ee makhaayada, ee kuma koobna qiimaynta hal kormeer oo kaliya. Qiimeynta badqabka cuntada maqaayada waxaa lagu go’aaminayaa buundada isku celceliska ee hab dhaqamada qabashada cuntada aan badqabka aheyn ee ka imaaneyso afarta baaritaanada joogtada ah ee ugu dambeysay ee maqaayada.
  • Qiyaasta waxqabadka.
    Dadwaynaha degen Degmadan King County waxay rabaan in ay ogaadaan xog dheeraad ah oo ku saabsan in makhaayaduhuay ka gudbaan ama ku fashilmaan qiimaynta kormeerka. Calaamadaha daaqadaha makhaayaduwaxay muujinayaan heerka uu gaadhsiisan yahay amaanka cuntadu marka laga yimaado heerka ugu hooseeya ee amaanka cuntada ee laga rabo makhaayada.

Markii aan dhaqan gelinay nidaamkaan sannadkii 2017, qeybinta qiyaasta ah ee boqolkiiba ee maqaayadaha galaaya qeyb kasta ayaa ahayd: 55% ‘Heer-sare,' 36% 'Fiican' iyo 8% 'Caadi ah.' Baahiyaha kagu hormarinayo qeybta ayaa ka dhigan in maqaayada ay midkood ka xirneyd Caafimaadka Dadweynaha oo sannad la soo dhaafay gudahiis ah ama u baahan baaritaano badan oo lagu saxayo hab dhaqamada qanashada aan badqabka aheyn. Qeybtaan kuma saleysna buundooyinka isku celceliska ah.

Food safety rating percentages in Somali

Waa maxay hab dhaqamada qabashada cuntada oo aan badqabka aheyn?

Dhaqamada la xidhiidha maaraynta cuntada ee hadii aan si sax ah loo samayn ay aad u suurto gal tahay in ay yimaadaan cudurrada cuntada ka dhasha.

Visual illustration of four key food safety handling in Somali

expand_less