Skip to main content

Dhaqsi u helidda qalabka biyaha ee qarsoon

Dhaqsi u helidda qalabka biyaha ee qarsoon

Find hidden water supplies in an emergency in Somali

Waa maxay qalabka biyaha ee qarsoon?

Qalabka biyaha ee qarsoon waa meelo aan caadi ahayn ee biyo laga helo haddii ay biyaha kaa dhammaadaan. Qalabka biyaha si dhaqsiyo ah ayuu ku halaabi karaa taasoo keeni karta in waxyeelloobo qalabka caadiga ah ee biyaha.

Waa maxay asalka qarsoon ee biyaha aqalkaaga?
  • Biyaha waxaa laga sii deyn karaa halka hoose ee haanta kuleylisada. Xaqiiji in korontada iyo/ama gas-ka ay dansan yihiin inta aadan biyaha ka daadin. Biyaha ku daadi weel lagu kaydiyo.
  • Biyaha waxaa laga sii deyn karaa dhuumanka aqalka gudihiisa. Fur dhuun biyo ku taal dabaqa sare ee aqalkaaga. Kaddibna waxaad tagtaa dhuun biyo eey kuu ag taal qaybta aqalkaaga ugu hooseysa. Fur dhuunta oo ka sii daa biyaha aad doonaysid weelka aad u baahan tahay.
  • Biyaha ku jira weelka kaydka suuliga, ama haanta kaydka, waxaa la isticmaali karaa haddii aan kiimiko lagu darin haantani. Ha isticmaalin biyahani haddii midabkoodu yahay baluug taasoo ay keenayso in kiimiko la isticmaalay.
  • Biyaha lagu kaydiyo baraf dhaliyaha qaboojiyaha waa la isticmaali karaa.
Waa maxay asalka biyaha qarsoon ee dibedda aqalkaaga?
  • Waxyaabahani ayaa loo tixgelin karaa in ay yihiin kuwo muhiim ah, hase ahaatee, waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan kiimiko iyo baktiiriya halis u noqon karta caafimaadkaaga.
    • Biyaha xareedda
    • Webiyada iyo Ilaha
    • Warta
    • Harada
    • Ilaha biyuhu ku burqadaan
  • Kari biyaha meelahani ugu yaraan 10 daqiiqadood ka hor inta aadan cabin.
  • TAXADDIR: Sunta kiimikada karis kuma ay ku baxayso.
Waa maxay asalka biyaha ee laga fogaado?

Ka taxaddir biyo ay ku jiraan waxyaabo adag, uraya, ama midabkoodu madow yahay.

expand_less