Skip to main content

Sunta Carbon monoxide

Sunta Carbon monoxide

Carbon monoxide poisoning facts in Somali

Waa maxay carbon monoxide?

Carbon monoxide-ku waa sun aan ur lahayn ee aan la arki karin oo daqiiqado qof ku dili karta. Carbon monoxide waxaa uu ka dhashaa marka shidaal gaas, saliid, kerosene, alwaax, ama dhuxul la shido. Haddii qalabka shidaalka ku shaqeeya si fiican loo dayactiro loona isticmaalo, cadadka carbon monoxide ee ka soo baxaya caadiyan ma aha mid halis keeni kara. Boqolaal qof ayaa shil ahaan ugu dhinta sanad walba suntan carbon monoxide ee ka dhalata qalabka aan si habboon loo isticmaalin amaba halaysan. Xitta dad dheeraad ah ayaa ku dhinta carbon monoxide ka dhasha gawaarida la cidleeyo. Carbon monoxide si dhaqsiyo ah ayuu u tarmi karaa isagoo saameynaya dhibbanaha ka hor inta aanney saacidaad helin.

Mar haddii la neefsado, carbon monoxide:

  • Waxaa uu yaraynayaa awoodda uu dhiigga ku qaado oxygen-ta?
  • Waxaa uu gaysan karaa dhaawac maskaxeed oo joogta ah
  • Waxaa uu keeni karaa shaf xanuun ama wadnaha oo istaaga dadka wadnaha ka buka?

Waa maxay calaamaadka lagu garto sunta carbon monoxide?

  • Madax Xanuun
  • Dawaqsanaan
  • Daal
  • Daciifnimo
  • Wareer
  • Lalabo

Sideen uga hortagi karaa suntan carbon monoxide?

  • Marnaba dhuxusha ha ku shidin aqalka gudihii, teendhada, gawaarida la seexdo, gawaarida vans, gawaarida trucks (dusha ka furan), geerishyada, ama guryaha dhaqaaqa. Ha ku shidin dhuxusha goobta dabka lagu shido ee aqalkaaga?
  • Weligaa ha ku isticmaalan gudaha qalabka shidaalka ku shaqeeya . "Hawo fiican" ayaa loo baahan yahay marka la isticmaalayo qalabka ku shaqeeya shidaalka. Dhib ayeey noqon kartaa garashada inta hawo ee "habboon"; sidaa awadeed, marwalba qalabkani ku isticmaal dibedda?
  • Marna ha isticmaalin foornada gaaska si aad aqalka u diirisid?
  • Marna gaari cidla ha uga tegin geerish dhexdiisa, xittaa haddii uu albaabka geerishka furan yahay.
  • Marna ha seexanin qol adigoo isticmaalaya kuleyliye kerosene ku shaqeeya ama gas?
  • Xaqiiji in dhuumanka uu qaaca ka baxo ee aqalka aanney xirneyn oo xaaladdoodu wanaagsan tahay?
  • Qalabka saliidda iyo gas-ka ku shaqeeya iyo goobta dabka lagu shito ee aqalka iyo foornada in uu eego sanad waliba khabiir ku takhasuusay?
  • Qalabka ka diga Carbon monoxide waxaa ay keeni karaan badbaado dheeraad ah, balse ma aha in ay beddelaan tallaabooyinka ka hortagga kale?

Waxa la sameynayo haddii aad ka shakiso in qofi uu ku sumoobay carbon monoxide?

  • Qofka si dhaqsiyo ah u gee meel hawo leh?
  • Waxaad qofka geysaa cusbitalka una sheeg in aad ka shaki qabto in uu ku sumoobay carbon monoxide.
expand_less