Skip to main content

Waxa la Sameeyo Marka Amarka Karkarinta Biyaha la Soosaaro

Waxa la Sameeyo Marka Amarka Karkarinta Biyaha la Soosaaro

What to do when a boil water order is issued (Somali)

Maxay khasab u tahay inaan karkariyo biyahayga?

Haddii aad ku sugan tahay meel uu ka jiro amar karkarin biyaha ah, waxay ka dhigan tahay in baadhitaano dhawaan ay muujiyeen in nidaamkaaga biyaha uu galay noole keeni kara xanuun.

Ayaa la saamayn karaa? Ma ku bukoon karaa?

Ciddii cabta biyaha wasakhaysan waa bukaan kartaa. Dhallaanka, carruurta yaryar, dadka waawayn, iyo dadka leh hab difaac jidh oo aan fiicnayn waxay halis ugu jiraan inay bukoodaan. Tan waxa kamid ah dadka daawada qaata, helayaasha xubin ama dhuux, dadka leh HIV ama AIDS, carruurta nafaqo darradu hayso, dhallaanka, iyo qaar kamid ah dadka waa wayn ee difaacoodu aanu fiicnayn ama liito.

Waa maxay astaamaha lagu garan karo?

Noolaha xanuunka keenaa ee biyaha kujira wuxuu keeni karaa shuban, casiraad, dibbiro, naqas, daal, culays dhumin, yalaaalugo, matag, iyo/ama qandho. Astaamuhu waxa dhici karta inay muuqdaan wax kayar saacado gudahood ilaa dhawr maalmood kadib marka infakshanku asiibay waxaana dhici karta inuu jiro kabadan laba toddobaad. Haddii aad isku aragto astaamahan, la xidhiidh bixiyahaaga daryeelka caafimaad.

Sideen uga dhigi karaa biyaha qaar bedqaba?

Karkarintu waa sida ugu fiican ee loo xaqiijin karo inay biyuhu ka nadiif yihiin noolaha xanuunka keena. Gaadhsii biyaha inay karkaraan muddo hal daqiiqo ah. Marka ay qaboobaan, ku qabooji biyaha weel daboolan oo nadiif ah. Haddii aanad rabin inaad karkariso biyahaaga, waxad jeermiska kaga dili kartaa biyahaaga jaafeelka guriga. Ha isticmaalin jaafeel uu kujiro cadar, rinji, ama carfiyayaal kale. Isticmaal 1/4 qaaddo jaafeel ah halkii galaan ee biyo ah, si fiican u walaaq, kadib 60 daqiiqo daa kahor intaanad isticmaalin.

Ma isticmaali karaa biyaha dhalooyinka kujira?

Waad isticmaali kartaa biyaha dhalooyinka kujira ee la iibiyo.

Inta lagu jiro la talinta caafimaad, ma u isticmaali karaa biyaha qasabadda?

Cabbista...Maya
Barafka...Maya
Cadayasiga ilkaha...Maya
Foormulada ilmaha...Maya
Maydhista khudaarta/miraha...Maya
Diyaarinta cuntada...Maya
Bunka ama shaaha...Maya
Qubayska/Maydhashada...Haa
Dhar maydhka...Haa
Qubayska ilmaha...Hoos fiiri
Maydhista suxuunta...Hoos fiiri
Madeebada biyaha rabbaayadda...La xidhiidh dhakhtarka xayawaankaaga

Ma ugu maydhi karaa ilmahayga biyaha qasabadda?

Haa, haddii ayna cabbayn wax biyaha kamid ah. Ha u oggolaan carruurtu inay nuugaan dharka qoyan.

Ma ku dhiqi karaa suxuunta?

Waad ku isticmaali karaa suxuun maydhahaaga haddii aad isticmaalayso wareega nadiifinta/kulka iyo saabuunta suxuunta maydhista ganacsiga ah. Suxuunta gacanta ayaad ku dhiqi kartaa, ku shubi kartaa iyagoo milan jaafeel badhxan — hal qaaddo oo jaafeelka guriga ah halkii galoon oo biyo ah — kadibna hawada u daa' ha qallajiso suxuunta eh.

Maxay khasab tahay in la sameeyo si loo xalliyo dhibta?

Xallinta dhibtu waa kala duwanaan kartaa xaaladaha kala duwan iyada oo ku xidhan haddii dhibtu ay tahay isha biyaha ama khadadka biyaha. Sida badan, khadafka biyuhu waxay u baahdaan in la biyo — raacyo dhammaan nidaamka oo dhanna wuxuu u baahan doonaa in jeermiska lagaga dilo kallooriin. Biyaha markaa waa la baadhaa si loo hubiyo inayna lahayn bakteeriyada coliform.

Intay soconaysaa la talintan caafimaad?

La talintan caafimaad waxay socon doontaa ilaa biyaha la baadho oo natiijaduna muujiso inay buuxiyeen istaandarrada caafimaadka dadwaynaha ee biyaha la cabbi karo. Nidaamkaaga biyaha ayaa ku ogaysiin doona marka taasi dhacayso.

Wixii cusub:

www.kingcounty.gov/health
Twitter | Facebook

expand_less