Skip to main content

Helitaanka talaalka degmada King County

Helitaanka talaalka degmada King County

28da Abriil, 2023: Tallaal la cusboonaysiiyay (bivalent) ayaa lagu talinayaa in uu qaato qof kasta oo da'diisu tahay 6 bilood iyo ka weyn.

Tallaallada COVID-19 ee ay ku talisay CDC hada oo la maraayo 19ka Abriil, 2023:

Qof kasta oo da'diisu tahay 6 sano iyo ka weyn waa inuu helaa 1 tallaal oo cusbooneysiisan oo Pfizer ama Moderna COVID-19 ah si loo aqoonsado in uu qaatay tallaal cusbooneysiisan (Ingiriis keliya).

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay helaan xoojiyeyaal COVID-19 oo dheeraad ah:

  • Dadka da'doodu tahay 65 sano iyo wixii ka weyn waxa laga yaabaa inay helaan 1 tallaal dheeraad ah oo xoojiye cusbooneysiisan oo COVID-19 ah 4 bilood ama ka badan kadib tallaalka 1aad ee la cusboonaysiiyay ee COVID-19.
  • Dadka difaaca jidhkoodu si dhexdhexaad ah ama si daran uu u liito waxa laga yaabaa inay helaan 1 tallaal dheeraad ah oo xoojiye cusbooneysiisan oo COVID-19 ah 2 bilood ama ka badan kadib tallaalka 1aad ee la cusboonaysiiyay ee COVID-19.

Carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano waxa laga yaabaa inay u baahdaan qiyaaso badan oo ah tallaalka COVID-19 si uu u noqdo mid cusbooneysiisan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 1 qiyaas oo la cusboonaysiiyay oo ah Pfizer ama Moderna. Waxay kuxirantahay tirada qiyaasaha ay hore u qaateen iyo da'dooda.

Fadlan la xiriir bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga haddii aad qabto su'aalo ku saabsan qiyaasta aad u baahan tahay.


Warbixin ku saabsan sida joogtada ah cusboonaysiiska sida talaalka loo helo. Waxaan ku shaqeyneyna sida loo heli laha cusbooneysiiska oo turjuman oo sida ugu dhaqsahaha badan, lakin waxa jiri kara dib u dhac ay ugu wacan tahay turjumada iyo ku soo bandhigida bogga. Waad ku mahadsan dulqaad kaaga.

Cusbooneysiiska ugu dambeyey iminkadan waa English: kingcounty.gov/covid/vaccine.

Sidee loo heli kara talaalka

Tallaalku waa bilaash waana diyaar ayadoon la fiirineyn ceymis, sharciga qofku haysto ama xaaladda imigereyshinka.

Waxaad ka qaadan kartaa irbadda labaad ee tallaalka Moderna ama Pfizer goobaha inta badan, xattaa hadaad ka heshay irbaddii koobaad goob kale. Fadlan keen kaadhkaaga ama sawir kaadhkaaga tallaalka irbaddii koobaad.

Flyer (PDF):

Drive through vaccination site

Waxaad u baahntahay inaad horay usoo qaadatid:

  • Aqoonsiga taariikhda dhalashada: gobolka, qabiilka, ama aqoonsi ay soo saartay federaalka. Biil ama ogeysiis bangi oo leh magacaaga iyo cinwaankaaga sidoo kale waa la isticmaali karaa.
  • Xidho gacmo-gaab ama gacmo-furan oo si fudud isu rogi kara si aad uga tallaasho cududdaada sare.
  • Oggolaanshaha dadka qaangaarka ah ee idman: Haddii aad ka yar tahay 18 sano jir, waxaad u baahan kartaa oggolaansho qof weyn oo idman si laguu tallaalo. Waad isku saxiixi kartaa naftaad ahantaada haddii mas’uul iska tahay, ama aad guursato qof weyn, ama goobta tallaalku ay go'aamiso inaad tahay qof yar oo qaangaar ah (Ingiriis ahaan). Dhammaan goobaha tallaalku ma sameyn karaan go'aanno ah waa kuma kuwa yaryar oo qaan gaar ah. Macluumaad dheeraad ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada, oo ay ku jiraan qeexitaannada qaangaarka ee qaangaarka ah, ayaa lagu soo daray halkan. Haddii qof weyn oo idman uusan kula soo xaadiri doonin ballanta tallaalka, ka hubi bixiyaha tallaalkaaga wixii ku saabsan shuruudaha muujinaya caddaynta oggolaanshaha qaangaarka idman ama inaad haysatid xorriyadda sharciga.
  • Kaadhkaaga tallaalka CDC haddii aad qaadanayso irbad labaad ama irbad xoojin ah. Diiwaanka irbadaada cusub ayaa lagu dari doonaa kaarka.

Sida loo tago Halkaas:

Haddii aad ku nooshahay King County oo aad u baahan tahay gaadiid aad si aad u tagto ballanta tallaalkaaga, waxaa jira fursado badan:

  • Raadi Gaari: Haddii aad u baahan tahay gaari ku geeya ballantaada tallaalka, booqo http://www.findaride.org ama wac Khadka macluumaadka Gaadiidka 425-943-6760 (Isniin ilaa Jimce, 8:30 a.m illaa 4 p.m garaac 5 si aad u hesho turjubaan). Haddii aad u baahan tahay turjumaan, ku dheh luqadda aad u baahan tahay.
  • Adeegyada Baska: King County Metro waxa ay bixisaa khiyaarooyin kala duwan oo gaadiid ah kuwaas oo ku geeya ballamaha tallaalka, oo ay ku jiraan gaadiidka baska, (Access paratransit), iyo (Community Van shuttles). Ka baro waxbadan oo ku saabsan ikhtiyaarrada safarka ee 'King County Metro' halkan ama wac 206-553-3000.
  • Ma leedahay Medicaid ama Kaarka Apple Health? Ka wac Hopelink Medicaid 800-923-7433 (hubi u qalmitaanka)
  • Ma tahay qof da' weyn mise tahay naafo? Ka wac Metro Access 206-205-5000 (hubi u qalmitaanka).
  • Ma waxaad isku dayeysaa inaad ballan u sameyso gaadiidka dad badan? Buuxi foomkan (Websaydhka waxa ku qoran luuqada Ingiriiska kaliya) xubin ka tirsan kooxda Hopelink Mobility Management ayaa kula socon doonta adiga.

Ballanso irbad labaad

Qabso ballan loogu talagalay irbad 2’aad ee tallaal markaa joogtid ballantaada tallaal kadib qaadashada irbaddaada 1’aad. Waa inaad qaadato irbaddaada 2’aad 21 maalmood (Pfizer iyo Novavax) ama 28 maalmood (Moderna) kadib irbadda 1’aad.

Labo irbad ayaa dhameystiri doona taxanahaaga tallaalka koobaad si jir-difaacaagu sida ugu fiican kuugu difaaco.

Fadlan Ogow: Dadka kuwaasoo jir-difaacoodu liito waxay leeyihiin talobixinno kale ee tallaalka koobaad ee COVID-19.

Ballanso irbad xoojiso

Xoojisooyinku waa irbad dheeraad ah ee tallaal si loo siyaadiyo awoodda iyo muddada difaaca. Khaas ahaan waa u muhiim dadka ka weyn 50 iyo dadka leh xaalado caafimaad in ay qaataan xoojiso.

Qof kasta waa inuu qaato irbad xoojin si loo ilaaliyo difaacaaga markii difaaca taxanaha tallaalka koobaad bilowdo inuu hoos u dhaco waqti kadib.

Hagitaanka hadda jira ee cidda qaadan karta irbad xoojin, marka la qaato, nooca la qaato:


Si waafaqsan sharciga xuquuqda madaniga ee Federaalka, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & Degmada King ma takoorto barnaamij kasta ama waxqabad ku salaysan dabaqadda qofka la ilaaliyo, oo ay ku jirto laakiin aan ku koobnayn jinsiyadda, midabka, asalka wadanka, diinta, aqoonsiga jinsga (oo ay ku jiraan muujinta jinsiga), doorashada jinsiga isu-tagga, naafonimada, da'da, iyo xaaladda guurka. Haddii aad qabto cabasho oo aad rabto inaad gudbiso cabasho, ama aad qabtid su'aal ku saabsan takooridda suurtogalka ah, fadlan kala xiriir Barnaamijka Xuquuqda Madaniga ee Degmada King civil-rights.OCR@kingcounty.gov; 206-263-2446 (fadlan sheeg luqaddaada si loo fasiro); TTY Relay 7-1-1; ama boostada (401 5th Ave, Suite 800, Seattle, WA 98104).


Link/share our site at kingcounty.gov/vaccine/somali

expand_less