Skip to main content

Talaalka covid-19

Talaalka COVID-19

28da Abriil, 2023: Tallaal la cusboonaysiiyay (bivalent) ayaa lagu talinayaa in uu qaato qof kasta oo da'diisu tahay 6 bilood iyo ka weyn.

Tallaallada COVID-19 ee ay ku talisay CDC hada oo la maraayo 19ka Abriil, 2023:

Qof kasta oo da'diisu tahay 6 sano iyo ka weyn waa inuu helaa 1 tallaal oo cusbooneysiisan oo Pfizer ama Moderna COVID-19 ah si loo aqoonsado in uu qaatay tallaal cusbooneysiisan (Ingiriis keliya).

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay helaan xoojiyeyaal COVID-19 oo dheeraad ah:

  • Dadka da'doodu tahay 65 sano iyo wixii ka weyn waxa laga yaabaa inay helaan 1 tallaal dheeraad ah oo xoojiye cusbooneysiisan oo COVID-19 ah 4 bilood ama ka badan kadib tallaalka 1aad ee la cusboonaysiiyay ee COVID-19.
  • Dadka difaaca jidhkoodu si dhexdhexaad ah ama si daran uu u liito waxa laga yaabaa inay helaan 1 tallaal dheeraad ah oo xoojiye cusbooneysiisan oo COVID-19 ah 2 bilood ama ka badan kadib tallaalka 1aad ee la cusboonaysiiyay ee COVID-19.

Carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano waxa laga yaabaa inay u baahdaan qiyaaso badan oo ah tallaalka COVID-19 si uu u noqdo mid cusbooneysiisan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 1 qiyaas oo la cusboonaysiiyay oo ah Pfizer ama Moderna. Waxay kuxirantahay tirada qiyaasaha ay hore u qaateen iyo da'dooda.

Fadlan la xiriir bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga haddii aad qabto su'aalo ku saabsan qiyaasta aad u baahan tahay.

U booqo Ku qaado tallaalka King County goobaha tallaalka iyo ballamo.

Warbixin ku saabsan sida joogtada ah cusboonaysiiska sida talaalka loo helo. Waxaan ku shaqeyneyna sida loo heli laha cusbooneysiiska oo turjuman oo sida ugu dhaqsahaha badan, lakin waxa jiri kara dib u dhac ay ugu wacan tahay turjumada iyo ku soo bandhigida bogga. Waad ku mahadsan dulqaad kaaga.

Cusbooneysiiska ugu dambeyey iminkadan waa English: kingcounty.gov/covid/vaccine.

  Sideen ku heli karaa tallaalka COVID-19 gudaha degmada King?

Qof kasta oo 6 bilood jira ama ka weyn hadda wuu u qalamaa tallaalka COVID-19 iyo irbadaha xoojinta.

Baro wax badan oo ku saabsan u-qalmitaanka iyo tallaalka Gobolka King.

Khayraadka:

Hagitaanka hadda jira ee cidda qaadan karta irbadda xoojinta, marka la qaato, iyo nooca la qaato:

CDC waxay ku talisaa qofkasta oo 5 sano jira oo jir difaacoodu si xun ama si dhexdhexaad ah u wiiqmay (jir-difaac hooseeya) inuu qaato irbad sadexaad ee tallaalka. Irbadda sadexaad waa qeyb ka mid ah taxanaha tallaalkooda koobaad, ma ahan xoojiso.

Caruurta iyo dadka jir difaacooda liito waxay sidookale qaadan karaan irbadaha xoojinta markii loo qalmo.

U booqo Ku qaado tallaalka King County goobaha tallaalka iyo ballamo.

Dawlada federaalka ah ayaa iibsatay tiro aad u badan oo talaallada COVID-19 ah kuwaasoo la qiyaasaayo inay nagu filan yihiin ilaa xagaaga sanadka 2023. Talaallada COVID-19 ayay wali dadka oo dhan ku helayaan lacag la'aan, xataa haddii aysan haysan caymis, inta agabka talaalka qaranku uusan dhammaan.

Marka talaalka u kaydsan dawlada federaalku dhammaado:

  • Talaallada COVID-19 ayay wali bilaash ku heli doonaan carruurta reer Washington
  • Talaallada COVID-19 ee dadka waawayn ayay dabooli doonaan inta badan caymisyada gaarka loo leeyahay, Medicare (“Apple Health”), iyo Medicaid/CHIP 
  • Dadka aan haysan caymiska ayaa awoodi doona inay helaan talaallada COVID-19 oo ay bilaash uga helayaan farmashiyaasha iyo xarumaha caafimaadka bulshada ee maxaliga ah.

Inta badan noocyada caymiska caafimaadka gaarka loo leeyahay waxaa qasab ku ah inay sii wadaan bixinta qarashaadka talaallada COVID-19 ee uu bixiyo dhakhtar ku jira caymiskooda, ayagoo aan wax qarash ah ka qaadin bukaanka. Dadka haysta caymiska caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa laga yaabaa in laga qaado qayb kamid ah qarashka haddii dhakhtar ka baxsan caymiska uu talaalka siiyo.

Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County iyo kuwa kaleba waxay bixiyaan xarumo caafimaad oo tallaal oo bilaash ah. Qeybinta sinaanta ayaa mudnaan u leh rugahan caafimaad. Macluumaad dheeri ah waxaa laga heli karaa boggayaga Tallaalka ee Degmada King County.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaalka COVID-19:


Si waafaqsan sharciga xuquuqda madaniga ee Federaalka, Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & Degmada King ma takoorto barnaamij kasta ama waxqabad ku salaysan dabaqadda qofka la ilaaliyo, oo ay ku jirto laakiin aan ku koobnayn jinsiyadda, midabka, asalka wadanka, diinta, aqoonsiga jinsga (oo ay ku jiraan muujinta jinsiga), doorashada jinsiga isu-tagga, naafonimada, da'da, iyo xaaladda guurka. Haddii aad qabto cabasho oo aad rabto inaad gudbiso cabasho, ama aad qabtid su'aal ku saabsan takooridda suurtogalka ah, fadlan kala xiriir Barnaamijka Xuquuqda Madaniga ee Degmada King civil-rights.OCR@kingcounty.gov; 206-263-2446 (fadlan sheeg luqaddaada si loo fasiro); TTY Relay 7-1-1; ama boostada (401 5th Ave, Suite 800, Seattle, WA 98104).


Link/share our site at www.kingcounty.gov/covid/vaccine/somali

expand_less