Skip to main content
King County logo

Bisha Januweri 28, Gudoomiye Inslee wuxuu ku dhawaaqay King County iyo gobolka Puget Sound iney u gudbi doonan marxalada 2 ee Wadada qorshaha Ka soo kabashada Cafimadka ee gobolka Washinton manlinta Isniinta, Feb. 1. iyadoo lagu saleynayo shuruudo cusub taas oo u bahan in gobolada ay wafaqan inay la kulmaan sadex ka mid ah afarta xeer cabirka gobolka.

Marxalada 2aad wuxuu siinaya ogolaansho dheerad ah ciyaaraha la qabanayo, ay ka mid yahiin cuntada, jimicsiga, masxafyada iyo awood dheerad ah boqolkiiba 25. Sida aan u wajaheyno faafitan cusub COVID-19 oo badan, waa in aan taxadir ku jirnaa si aan ugu ilaalin ganacsiyadeyna kuwa furan sidoo kalena howlaha COVID ay hoos ugu dhacaan. Iyadoo la xiranayo weji daboole fiican sidoo kale kala fogaanshaha bulshada, Haayada Caafimadka ee Dadweynaha—Seattle iyo King County waxay idin ku dhiira gelinayaan ganacsatadaiyo xarumaha shaqeynayo iney muhimada saraan hawo qadashada iyo isbadalka hawada, iyado la racinayo dibada, qadashada iyo ku siinta dibada/bananka.

Howlaha iyo isu imaanshaha la ogoladay Marxlada 2aad kaas oo u bahan qorsheyn xeer sare sida aroosyada iyo ka qeyb galida aaska tusaale, maskaxda ku haay in gobolka uu qimeyn doono xalada gobol laba isbuuc kasta waxay nagu sababi karta in aan dib ugu laabano Wejiga 1 hadii aan raaci weyno shuruudo.

Maxaa Furun

Marxalada 2aad – Cafimaadka Washington

Howlaha

Marxalada 2


Cabirka isu imaatinka bulshada iyo guriga dhexdiisa

Ugu badnaan 5 qof oo imanayo ka baxsan qoyska, kuna xaddidan 2 qoys keliya

Cabirka isu imaatinka bulshada iyo guriga banaankiisa

Ugu badnaan 15 qof oo imanayo ka baxsan qoyska, kuna xaddidan 2 qoys keliya

Adeegyada Caabudida

Gudaha ugu badnaan awood ahaan 25%

Baqarada tafariiqda (kuwaas oo isugu jiro suuqyada beeraleyda, bushariyada, baqarada alabaha, farmashiyada)

Ugu badnaan awood ahaan 25%, waxa lagu dhira gelinaya ka qadashada banaanka

Adeegyada Xirfada leh

Ugu badnaan awoodda gudaha 25%

Asaasida Cunada iyo Cabitaanka (asaasida keliya loogu shaqeynayo shaqsiyaad 21+ iyo wali ma xirna Cuntada)

Ka cunteynta gudaha diyaar ku ah awood ahaan ilaa 25%, la joojiso aalkolada adeegga / gaarsiinta 11 PM . Ka cunteynta dibada ama meel u furan hawo diyaar ah, ugu badnaan 6 miis walba, kuna xaddidan 2 qoys miis walba

Aroosyada iyo aasaska/geerida

Xafladaha iyo waxybaha lagu qabanayo gudaha, lasameyno, sida isu imaanshaha dhacdoyinka sida xafladaha waa la ogol yahay waana in la raaca shurudaha ku haboon goobaha lagu sameynayo. Hadii lagu bixinayo rashin ama cabitaan, cunto iyo cabitaano shurudaha waa in la raaca. Waa mamnuuc qoob ka ciyaarka/jaaska.

Ababulida madadaalada gudaha iyo jimicsiga (ay ku jiraan gymka, ururada jimicsiga, madadaalada ciyaraha, barkadaha gudaha, gudaha ciyaraha K-12, ciyaraha isboortiska, toborada shaqsiga gudaha, jaask/qoobka ciyaarka, qaab dagaalka aan la is tabaneyn, jimicsiyada, meel fuulida)

Qataraha hoose iyo dhexdhexadka qabashada ciyaraha iyo tartamaha waa la ogoladay (aan la tartami karin) Ciyaraha qatarta sare la ogoladay in la qabto iyo tababarka. Jimicsiga iyo tababarka iyo ciyaraha gudaha ugu badnaan awood ahaan 25%.

Ababulida madadaalada dibada iyo jimicsiga (Ururada jimicsiga dibada, madadaalada ciyaraha dibada, barkadaha dibada, meelaha dibada iyo buuraha, in la dego meel dibada ah, ciyaraha K-12 dibda, ciyaraha isboortiska dibada, toborada shaqsiga dibada, jaask/qoob ka ciyaarka dibada, ciyaraha-motoyinka dibada)

Qataraha hoose, dhexdhexadka iyo kuwa sare ciyaraha tartamaha la ogoladay (aan la tartami karin), aan ka soo qeyb geli karin in ka badan 200 daawade.

Ababulida madadaalada gudaha iyo jimicsiga (ay ku jiraan meelaha xeywan badeedka ku jiran, gudaha tiyarada, gudaha fagaaraha, gudaha gobaha ruwayadaha, gudaha beraha, gudaha masxafyada, gudaha ciyaarta bawlinka, gudaha xarumaha meel ka boodka, gudaha meelaha kamaarka, gudaha howlaha madadaalada noocay doonto ha ahato, gudaha dhacdoyinka meelaha banaan)

Ugu badnaan awood ahaan 25% ama 200 qof, hadii ayba ka yar tahay. Hadii lagu bixinayo rashin ama cabitaan, cunto iyo cabitaano shurudaha waa in la raaca.

Ababulida madadaalada gudaha iyo jimicsiga ( ay ku jiraan melaha xaywanadka, dibada beraha, dibada tiyarada, garoomada dibada, dibada dhacdoyinka meelaha banaan, dibada fagaaraha, gobaha ruwayadaha dibada, farda fuulka)

Koox ka koban 15, kuna xaddidan 2 qoys koox walba, ugu badnaan 200 ay ku jiraan dawadayasha dhacdada.

Ogeysiis: Madadalada tooska loo soo tabinayo lama mamnuucin lakin waa in la raaca hagaha kor ku xusan ee ku haboon goobta. Xarumaha daryeelka waqtiga-fog, xirfada iyo ciyaraha kolajyada waxa sii maamuli doona hagaha kan iminka haya/baaqyo ku dhawaqida ka saarida qorshahan.