Skip to main content

Talooyinka waaxda caafimaadka dadweynaha ee lagu joojinayo COVID-19 (Somali)

Talooyinka waaxda caafimaadka dadweynaha ee lagu joojinayo COVID-19

Public Health Recommendations to Stop COVID-19 in Somali

28da Abriil, 2023: Tallaal la cusboonaysiiyay (bivalent) ayaa lagu talinayaa in uu qaato qof kasta oo da'diisu tahay 6 bilood iyo ka weyn.

Tallaallada COVID-19 ee ay ku talisay CDC hada oo la maraayo 19ka Abriil, 2023:

Qof kasta oo da'diisu tahay 6 sano iyo ka weyn waa inuu helaa 1 tallaal oo cusbooneysiisan oo Pfizer ama Moderna COVID-19 ah si loo aqoonsado in uu qaatay tallaal cusbooneysiisan (Ingiriis keliya).

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay helaan xoojiyeyaal COVID-19 oo dheeraad ah:

  • Dadka da'doodu tahay 65 sano iyo wixii ka weyn waxa laga yaabaa inay helaan 1 tallaal dheeraad ah oo xoojiye cusbooneysiisan oo COVID-19 ah 4 bilood ama ka badan kadib tallaalka 1aad ee la cusboonaysiiyay ee COVID-19.
  • Dadka difaaca jidhkoodu si dhexdhexaad ah ama si daran uu u liito waxa laga yaabaa inay helaan 1 tallaal dheeraad ah oo xoojiye cusbooneysiisan oo COVID-19 ah 2 bilood ama ka badan kadib tallaalka 1aad ee la cusboonaysiiyay ee COVID-19.

Carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano waxa laga yaabaa inay u baahdaan qiyaaso badan oo ah tallaalka COVID-19 si uu u noqdo mid cusbooneysiisan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 1 qiyaas oo la cusboonaysiiyay oo ah Pfizer ama Moderna. Waxay kuxirantahay tirada qiyaasaha ay hore u qaateen iyo da'dooda.

Fadlan la xiriir bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga haddii aad qabto su'aalo ku saabsan qiyaasta aad u baahan tahay.

U booqo Ku qaado tallaalka King County goobaha tallaalka iyo ballamo.

Qaad tillaabooyinkan si aad gacan uga geysato maaraynta faafitaanka caabuqa “coronavirus” si midba midka kale uu ilaaliyo.

Ilaalinta ugu wanaagsan waa in aad qaadatid Tallaalka. Dadka si buuxda u tallaalan ayaa hadda waxyaabo badan si badbaado leh u qaban kara waxayna ka caawin karaan yaraynta COVID-19 ee bulshada dhexdeeda.

Ku xidhashada maaskaro meelaha khatarta sare leh (sida meelaha dadku ku badan yihiin) waxay caawisaa in la ilaaliyo qof walba. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la ilaaliyo dadka aan ilaalinta buuxda ka heli karin tallaalka, sida carruurta yaryar iyo dadka qaba xaalado caafimaad oo aan awood u lahayn inay la dagaallamaan fayraska.

Is baar haddii aad leedahay astaamo COVID-19 ama aad la xiriirtay qof laga helay fayraska.

Haddii aad iska tijaabiso COVID-19 ama aad halis sare ugu jirto cudurka, inaad goor hore daawaynta COVID-19 u hesho (macluumaad Ingiriisi kaliya) waxay kaa caawin kartaa inaad ka ilaaliso jirro daran iyo isbitaal dhigid. Weydii bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga inuu arko haddii daawaynta lagugula taliyo.

Xadid ama yaree hawlaha kuna qabo meel dibadda ah haddii ay ka qayb-qaadanayaan dad aan la tallaalin. Fayrasku si fudud ayuu ugu fidaa meelaha gudaha, sidaas oo tahay ganacsiyada iyo ururaduba waxa ay yarayn karaan fayraska hawada ku jira iyaga oo oggolaanayo in hawo wanaagsan ay soo gasho gudaha iyo ayaga oo isticmaalaya qalabka sifaynta hawada (Bogga waa Engiriis kaliya).

Caring for yourself or others

Maamulka astaamahaaga COVID-19 ee gurigaaga

Infoɡrafik

Baar si lagu Daaweeyo waa barnaamij cusub oo caawin kara dadka in ay is baaraan oo si dhaqso leh ugu helaan daaweyn bilaash hadday qabaan COVID‑19.

Wax badan ka baro



Caawin ayaa diyaar ah

Haddii aad u baahan tahay adeegyo turjumaan oo luqado kale ah ama caawin qaab onlayn ah, wac khadka macluumaadka ee Gobolka Washington. Ma waydiino xaaladdaada degnaasho. Qof kasta ayaa heli doona caawin, iyadoon loo eegayn xaaladdooda la xiriirta sharciga degnaashaha.

Si aad u dalbato turjumaan:

  1. 1-800-525-0127
  2. Fariin ayaa la ciyaari doonaa. Sug inta uu ku soo jawaabo hawlwadeenka xarunta wicitaanka.
  3. Sheeg luqada aad rabto.
  4. Xiriiriyaha xarunta wicitaanku wuxuu wici doonaa adeegga turjumaanka. Ha dhigin telefoonka. Ku jir khadka ilaa lagugu xidho turjumaan.

Hagitaanka COVID-19


Infoɡrafik


Fiidiyowyo

Maxay tahay sababta carruurta yaryar ay u qaataan tallaalka COVID?

Sida loogu diyaargaroobo marka ilmahaaga yar qaadanaayo tallaalka COVID

Waa maxay sababta loo helo xoojiye COVID?

Waxa la filayo marka ilmahaagu qaato tallaalka COVID


Boorarka

Calaamadaha daabacaadda iyo soo bandhigida si ay uga caawiyaan hay'adaha in ay la xiriiraan macaamiishooda iyo shaqaalahooda ee tallaabooyinka ay qaadayaan si loo yareeyo halista COVID‑19:

Diyaar u noqo inaad is caawisaan. Dareenka adag ee bulshada waxay inow fududaynaysaa inaan arintaan adag wado marno.


Link/share our site at www.kingcounty.gov/covid/somali

expand_less