Skip to main content

Xaqiiqooyinka Shiga soo saarta- sunta E. coli jeermiska (STEC)

Xaqiiqooyinka Shiga soo saarta- sunta E. coli jeermiska (STEC)

Shiga toxin-producing E. coli (STEC) in Somali

Muxuu yahay?

  • E. coli waa nooc bakteeriyo baddan ah kuwaas oo kunool mindhicirta. In baddan oo bakteeriyada E. coli waa kuwo aanan dhib u gaysan banii'aadamka.
  • Qaar kamid ah bakteeriyada E. coli waxay soo saartaa sun lagu magacaabo sunta Shiga taas oo sababta shubban oona horseeda jiro daran. Kuwaas soo saarka- sunta Shiga E. coli waxaa mararka qaar lagu magacaabaa STEC (loogu dhawaaqo "S-TECK").
  • Jeermiska STEC wuxuu sababi karaa calaamada dhiig yaraanta uremic (HUS) taas oo burburin karta keliyaha iyo unugyo kale. Dadka intooda baddan kuwaas oo qabba jeermiska STEC masameeyaan Calaamada Dhiig yaraanta Uremic, laakiin caruurta yar yar iyo dadka waaweynba waxay kusuganyihiin khatar sareysa.
  • Noocyo kale oo bakteeriyadaE. coli waxay dhaawacyo u gaysan karaan kelida, kaadi haysta, iyo meelo kale oo jirka ah.

Maxay yihiin calaamadaha?

  • Calaamadaha jeermiska STEC waxay soo muuqan karaan 1 illaa 8 maalmood kadib marka lahelo (badanaa gudaha 2 illaa 4 maalmood) waxaana kamid ah:
    • Shubban kaas oo badanaa sii jooda 5-7 maalmood wuxuuna inta baddan noqdaa mid dhiig leh
    • Dhaqdhaqaaq caloosha ah
  • Qandho ma ahan mid marwalba dhacda hadii ay dhacdana waa mid inta baddan dhexdhexaad ah.

Sidee ayuu u faafaa?

  • STEC wuxuu jirka uga tegaa tooska saxarada dadka xanuunsan iyo xayawaanka. Kuwo kale wuxuu xanuunku kudhacaa marka gacmaha, cuntada, cabbitaanada, ama qalab lagu wasakheeyay saxarad jeermis wadata lageliyo afka. Tusaalooyinka cuntooyinka iyo cabbitaanada baddan ee wasakhaysan waxaa kamid ah rootiga wareegsan ee hilibka ladhex geliyo oo aanan karsanayn, waxyaaba la abuuro oo ceyriin ah (ay kujirto begelada iyo salaarka), caano aanan lakarkarin, casiir aanan lakarkarin, iyo casiirka tufaaxa oo aanan lakarkarin.
  • Cuntooyinku waxay noqon karaan kuwo kuwasakhaysan bakteeriyo katimid digada xoolaha ee taala dhulka meesha ay ku koraan ama katimaada hilibka lo'ada ceyriinka ah ama hilibka lo'ada ceyriinka casiirada kujira jikada.
  • Dadka sidoo kale wuxuu jeermiska ugu dhici karaa ayaga oo dhunjiya biyo wasakhaysan (tusaale ahaan biyaha waraha).
  • Dadka qabba STEC kuwaas oo aanan sifiican iskaga dhaqin gacmahooda kadib dhaqdhaqaaq caloosha ah waxay kufaafin karaan dadka kale.

Sidee STEC lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Jeermiska STEC waxaa laga aqoonsadaa ama lagu ogaadaa baaritaan lagu sameeyo saxarada ka ahaata dadka xanuunsan taas oo laga baaro bakteeriyada.
  • Majirto daawo xadidann oo loogu tallo galay daaweynta jeermiska STEC. Daaweynta guud ahaan waa taageero.
  • Muhiim ayay tahay in lacabo biyo baddan si looga hortago fuuq bax.
  • Antibiyootikada iyo daawooyinka lidka ku ah- shubbanka waa kuwo aanan lagula talin sababtoo ah waxay jirada kadhigi karaan in ay sii xumaato.

Sidee looga hortagi karaa jeermisyada STEC?

  • Isticmaal heer kul beeg marka aad karinayso hilibka lo'ada (sida hambargarka hilibka rootiga wareegsan ee hilibka wareegsan ladhexgeliyo). Iska hubso in heer kulka hilibka guud ahaanba uu gaarayo ugu yaraan 160º F. Hacunin hilibka rootiga hambargarka kaas oo dhexdiisu ay tahay sida midabka guduud baraxa oo kale.
  • Kala saar hilibka ceyriinka ah, digaagda, iyo cuntada badda katimaada miraha iyo khudaarta kuwaas oo dhammaantoodu yihiin kuwo diyaar u ah in lacuno iyo cuntada karsan.
  • Kudhaq gacmaha, miisaska iyo maacuunta biyo saabuun leh oo kulul kadib mark ay taabtaan hilib ceyriin ah.
  • Weligaada ha dhigin cunto karsan ama diyaar u ah in lacuno saxamo aanan dhaqnayn kuwaas oo dulsaarnaa hilib lo'a oo ceyriin ah ama hilib kale oo ceyriin ah.
  • Kudhaq biyo socda guud ahaanba miraha iyo khudaarta.
  • Cab keliya marka lakarkariyo (aanan ceyriin ahayn) caanaha, casiirka iyo casiirka tufaaxa.
  • Si wanaagsan ugu dhaq gacmahaada saabuun iyo biyo kulul kadib marka aad isticmaasho musqusha, iyo kadib marka aad bedesho xafaayada, kadib marka aad gacanta kutaabato xayawaanka, kahor inta aadan cunin, iyo kahor iyo kadib marka aad cuntada diyaarinayso.
  • Horjooge u noqo caruurta oo lasoco marka ay gacmahoodu dhaqayaan.
  • Dadka qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan kudabaalan barkadaha dadweynaha ama waraha, musqulaha la isla wadaago, ama u diyaariyo cunto dadka kale.
  • Haka cabin biyo aanan ladaawayn waraha, webiyaasha, durdurada, baliyada, ama ceelasha gunta dhow.
  • Isku day in aad kafogaato cabida biyaha ama afka ay biyo kuu galaan marka aad qabaysanayso.

FIIRO GAAR AH: Qaanuunka Gobolka Washington wuxuu uga baahanyahay qaybaha caafimaadka in ay mamnuucaan hawlaha dadka qabba STEC goobo xadidan gudahooda.

  • Caruurta qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan tegin barnaamijta daryeelka cunuga.
  • Dadka cuntada sameeya, shaqaalayaasha daryeelka cunuga iyo shaqaalayaasha daryeelka caafimaadka ay lasocoto daryeel bukaan oo toos ah waxa khasab ku ah in aysan qabban hawlahaan illaa aysan ka ahaanin kuwo jiran kadibna loosoo tilmaamay in ay ammaantahay in ay kuceliyaan hawlahaan qaybtooda caafimaadka dadweynaha gudaha.
expand_less