Skip to main content

Xaqiiqooyinka jeermiska (cudurka mindhicirta)

Xaqiiqooyinka jeermiska (cudurka mindhicirta)

Shigellosis facts in Somali

Muxuu yahay?

  • Shigellosis waa jeermis kudhaca mindhicirta oo lasocdo bakteerida Shigella taas oo sababta shubban.
  • Jeermiska Shigella waa mid inta baddan aanan darnayn dadka intooda baddana waxay kareystaan gebi ahaanba maalmo yar gudahooda.. Mararka qaar wuxuu sababaa jeermisyo halis ah oo u baahan isbitaal dhigid, gaar ahaan caruurta yar-yar iyo dadka waaweyn.

Maxay yihiin calaamadaha cudurka?

Calaamaduhu inta baddan waxay biloowdaan 1 illaa 4 maalmood kadib jeermiska wuxuuna sii ahaanayaa 4 illaa 7 maalmood. Calaamadaha waxa kamid ah:

  • Shubban (wuxuu noqon karaa mid biyoole ah ama dhiig leh)
  • Qandho
  • Dhaqdhaqaaq caloosha ah
  • Lalabo iyo matag
  • Xaaladaha daran waxay sababi kartaa fuuq bax (waayid dheecaan) ama gariir (caruurta yaryar kudhaca)

Sidee ayuu u faafaa?

  • Shigella waxay jirka uga tagtaa tooska saxarada dadka xanuunsan. Kuwo kalena waxay cudurka qaadaan marka gacmaha, cuntada, ama qalabka lagu wasakheeyay saxarad jeermis leh la geliyo afka. Tirada wasakhda u baahan in ay faafiso jeermiska waa mid aad u yar mana ahan mid ay ishu arkayso.
  • Dadka qabba bakteeriyada Shigella waxay sii wadayaan faafinta bakteeriyada illaa todobaad ama labbo todobaad kadib marka ay reystaan sidoo kale dadka qabba jeermiska Shigella waxay sii faafin karaan bakteeriyada xitaa hadii aysan dareemayn wax xanuun ah.
  • Dikhsiyadu way faafin karaan bakteeriyada Shigella marka ay kudul degaan saxarad qabta jeermiska kadibna kacabaan biyaha ama cunaan cuntada.

Sidee bakteeriyada Shigella lagu aqoonsan karaa laguna daaweeyaa?

  • Shigella waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan lagu sameeyo saxarada lagana fiiriyo kabteeriyada.
  • Xaaladaha qaarkooda, antibiyootikada waxaa loo qori karaa si ay u yareyso mudada jirada iyo dhirirka wakhtiga Shigella waxaa lagu gudbiyaa saxarada.
  • Dadka qabba jiri dhexdhexaad ah waxy reystaan ayaga oo aanan qaadan daaweyn antibiyootik ah.

Sidee jeermisyada Shigella looga hortagi karaa?

  • Guud ahaan in gacmaha-ladhaqo ayaa ah qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo faafida jeermiska cudurka ee wadada mindhicirta.
  • Si wanaagsan ugu dhaq gacmahaada saabuun iyo biyo kulul kadib marka aad isticmaasho musqusha, iyo kadib marka aad bedesho xafaayada, iyo kahor inta aadan cuntada diyaarin ama cunin.
  • Caruurta kuwaas oo aanan si buuxda loogu tababarin-musqusha waxa khasab ku ah in ay si joogta ah u dhaqaan gacmahooda ayaga oo hoos imaanayo ilaalo dadweyn.
  • Dadka qabba shigellosis waxa khasab ah in aysan u diyaarin ama u adeegin cunto ama cabbitaanada dadka kale illaa ay kawanaagsanyihiin loona sheegay in ay ammaantahay xaga bixiyaha daryeelka caafimaadka ama dhinaca Caafimaadka Dadweynaha.
  • Caruurta yaryar kuwaas oo qabba jeermiska Shigella kuwaas oo weli xirta xafaayada waa in uusan cunugaasi lacayaarin ama ladhex gelin caruur kale.
  • Caruurta iyo dadka waaweyn ee qabba nooc kasta oo shubban ah waxa khasab ku ah in aysan isticmaalin meelaha qabayska dadweynaha ama barkadaha illaa uu shubbankoodu kadhamaado.

Qaanuunka Gobolka Washington wuxuu uga baahanyahay qaybaha caafimaadka in ay mamnuucaan hawlaha dadka qabba shigellosis goobo xadidan gudahooda.

  • Caruurta qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan tegin barnaamijta daryeelka cunuga.
  • Dadka cuntada sameeya, shaqaalayaasha daryeelka cunuga iyo shaqaalayaasha daryeelka caafimaadka ay lasocoto daryeel bukaan oo toos ah waxa khasab ku ah in aysan qabban hawlahaan illaa aysan ka ahaanin kuwo jiran kadibna loosoo tilmaamay in ay ammaantahay in ay kuceliyaan hawlahaan qaybtooda caafimaadka dadweynaha gudaha.
expand_less