Skip to main content

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada (cudurka caloosha)

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada (cudurka caloosha)

Salmonella facts in Somali

Muxuu yahay?

Bakteeriyada salmonellosis waa jeermis kudhaca mindhicirada ama caloosha kaas oo sababa bakteeriyo lagu magacaabo Salmonella. Jeermiska wuxuu kufaafi karaa asaga oo ka imaada mindhicirada una gudba socodka dhiiga iyo qaybaha kale ee jirka.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

  • Calaamaduhu inta baddan waxay horumaraan 12 illaa 72 saacadood kadib jeermiska. Caadi ahaan calaamadahu waxay sii joogaan 4 illaa 7 maalmood waxaana kamid ahaan kara:
    • Shubban
    • Dhaqdhaqaaq caloosha ah
    • Madax xanuun
    • Qandho
    • Matag
    • Fuuq bax (dheecaan waayid), gaar ahaan dhallaanka dhexdooda iyo dadka waaweyn
  • Jeermiska salmonella wuxuu noqon karaa mid kudaran dadka qabba nidaamyo jir difaace daciif ah.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Bakteeriyada Salmonella waxay jirka uga tagtaa tooska saxarada qofka xanuunsan iyo xayawaanka Kuwo kalena waxay cudurka qaadaan marka gacmaha, cuntada, ama qalabka lagu wasakheeyay saxarad jeermis leh la geliyo afka.
  • Dadka qabba jeermiska Salmonella waxay bakteeriyada dadka kale ugu gudbin karaan hadii aynaan gacmahooda u dhaqin si wanaagsan kadib marka la isticmaalo musqusha.
  • Qofka wuxuu kuqaadi karaa bakteeriyada Salmonella marka uu:
    • Cunno cunto ama cabbo biyo ama caano kuwaas oo lagu wasakheeyay bakteeriyada Salmonella.
    • Cunida ama taabashada afka kadib marka lataabto xayawaan jeermiska qabba ayada oo aanan la iska dhaqin marka hore gacmaha. Xayawaanka qabba jeermiska inta baddan uma muuqdaan sida xayawaan jiran. Xayawaanku inta baddan kudhaco bakteeriyada Salmonellawaxaa kamid ah doorada, boola boolada, doofaarada, lo'ada, jiirarka, iyo xayawaanka gurguurta sida masaska, mulacyada, iyo diidiinada. Xayawaanka rabaayada guriga waa isha ugu baddan ee jeermiska cudurka.
    • Cunida cuntada diyaarka-u ah-in lacuno (cuntooyinka aanan u baahnayn in lakariyo) taas oo lagu soo diyaariyay meelaha cuntada lagu diyaariyo ama maacuun lagu wasakheeyay bakteeriyada Salmonella.

Sidee lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Bakteeriyada salmonella inta baddan waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan lagu sameeyo saxarada taas oo laga fiiriyo bakteeriyada.
  • Dadka intooda baddan waxay iska caafimaad ayaga oo aan ladaaweyn ama qaadan daawayn. Antibiyootikada waxaa mararka qaar loo isticmaalaa dadka qabba jiro daran. Antibiyootikada sidoo kale waxay noqon kartaa mid u wanaagsan dhallaanka yar-yar iyo dadka qabba xaalado xadidan oo caafimaad oo daba dheeraada.
  • Cabitaanka biyo baddan ayaa lagula talinayaa si looga hortago fuuq bax.

Sidee bakteeriyada salminellosis looga hortagi karaa?

  • Guud ahaan in gacmaha-ladhaqo ayaa ah qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo faafida jeermiska cudurka ee wadada mindhicirta.
  • Kudhaq gacmaha saabuun iyo biyo kulul kadib marka aad musqusha kasoo baxdid, bedeshid xafaayadaha, taabatid xayawaanka, iyo kahor inta aadan wax cunin ama diyaarin cunto.
  • Ha u ogolaanin xayawaanka gurguurta meelaha aad kuquudiso ama ugu qabeyso caruurta yar-yar.
  • Ka ilaali xayawaanka gurguurta iyo kuwa banaanka iyo biyaha kunool guryaha ay kunoolyihiin caruurta kayar 5 sanno ama dad qabba nidaamyo jir difaace oo daciif ah.
  • Gebi ahaanba kari dhammaan hilibka, gaar ahaan digaagta.
  • Ha cunin hilib ceyriin ah ama ukun aanan lakarin.
  • Cab keliya caanaha lakarkariyay.
  • Kuxaree hilibka iyo digaagda gudaha firinjiteerka bedelkii aad dhigi lahayd cimilada qolka.
  • Cuntada si dhakhso ah u geli tallaajada.
  • U dhaq si dhakhso ah alwaaxda wax lagu jarjaro iyo miisaska loo isticmaalo diyaarinta hilibka ama digaagda si looga fogaado isku talaabsiinta wasakhda cunto kale.
  • Haku qabaysan barkadaha ama waraha hadii aad qabto shubban.

FIIRO GAAR AH: Dadka qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan u diyaarin ama u adeegin cunto iyo cabbitaano dadka kale, bixin daryeel cunug, ama bixin daryeel caafimaad. Caruurta qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan tegin xarunta daryeelka cunuga ama iskuulka.

expand_less