Skip to main content

Pertussis (Hiiq-Dheer)

Pertussis (Hiiq-Dheer)

Pertussis facts in Somali

Muxuu yahay?

  • Xiiq dheerta, sidoo kalena loo yaqaano qufaca xiiq dheerta, waa jiro qufac oo aad la isugu daarto kaas oo ka imaada bakteeriyada, xiiq dheerta Bordetella.
  • Dadka dhammaan da'ooyinka oo dhan way qaadi karaan cudurka xiiq dheerta, laakiin dhallaanka ayaa waxay ugu jiraan khatar aad u sareysa oo ah qandho daran, isbitaal dhigid, iyo dhimasho. Haweenka uurka leh kuwaas oo qabba xiiq dheerta wakhtiga u dhow dhalitaanka waxa dhici karta in ay kufaafiyaan ilmahooda markaas dhasha.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

  • Calaamaduhu waxay soo muuqdaan 6 illaa 21 maalmood (dhexdhexaad 7–10 maalmood) kadib marka lahelo qof jiran.
  • Calaamadaha hore waxay sii joogayaan 1 illaa 2 todobaad waxaana kamid ah:
    • Diif soconaya oo sanka ah
    • Qandho heer-hoose ah
    • Qufac dhexdhexaad ah
    • Joogsiga neefsiga (waa joogsi kumeel gaar ah oo neefta joogsata caadi ahaan waxaa lagu arkaa dhallaanka kayar 3 billood; dhallaanka qabba neef joogsiga waxay u ekaan karaan buluug khafiif ah waxaana khasab ah in uu si dhakhso ah u arko bixiyaha daryeelka caafimaadka)
  • Kadib 1 illaa 2 todobaad calaamaduhu waxay isu bedelayaan:
    • Qufac aad u daran, caadi ahaan habbeenkii ugu xuntahay
    • Soo dhaaf (kedis) oo qufac deg deg ah kaas oo horseedi kara aamusnaan ama matag
    • Qufaca waxaa soo raaca cod sare "xiiqid"
  • Qof qabba qufac xiiq dheer ah wuxuu u muuqan karaa ama dareemi karaa sida qof caafimaad qabba inta u dhaxaysa dhacdooyinka qufaca.
  • Qufaca kediska ah waxay sii joogi kartaa 10 todobaad ama kabadan.
  • Dhallaanka iyo caruurta qabba xiiq dheerta badanaa waxay leeyihiin qufac kedis ah kaas oo kadhiga mid ay ku adagtahay in ay wax cunaan, cabbaan, neefsadaan, iyo seexdaan.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Dadka qabba xiiq dheerta waxay cudurka kufaafiyaan qufaca ama hindhisada marka ay xiriir dhow layeeshaan dadka kale kuwaas oo qaata neefta bakteeriyada.
  • Caruurtu waxay qufaca xiiq dheerta kaqaadi karaan xubnaha qoyska kuwaas oo keliya qabbi kara jiro dhexdhexaad ah hadana aanan ogayn in ay xiiq dheer qabbaan.
  • Aan ladaaweyn, dadka qabba qufaca xiiq dheerta waxay jirada u faafin karaan mudada ugu dheer sedex todobaad kadib marka uu qufaco bilaabmo. Dadka qabba qufaca xiiq dheerta waa in aysan aadin iskuulka, meesha daryeelka cunuga, ama shaqayn illaa 1) aya kadhamaystaan 5 maalmood oo antibiyootik ah, ama 2) sedex todobaad ay kagudubtey tan iyo intii uu qufacu biloowday, ama 3) qufaca uu gebi ahaanba dhammaaday.

Sidee xiiq dheerta lagu aqoonsadaa loona daaweeyaa?

  • Xiiq dheerta waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan suuf ah oo lageliyo gadaasha dhuunta tooska sanka taas oo lagu baarayo bakteeriyada.
  • Xiiq dheerta guud ahaan waxa lagu daaweeyaa antibiyootiko. Daaweyn xili hore ah ayaa muhiim ah.
    • Daaweynta waxay jirada kadhigi kartaa mid aanan aad u darnayn.
    • Daaweynta sidoo kale waxay dad kucaawisaa kahortaga faafinta cudurka dadka kale lagu faafiyo.
  • Xiiq dheerta mararka qaar waxay noqon kartaa halis waxayna u baahnaan doontaa daaweyn lagu sameeyo isbitaalka gudihiisa.

Sidee ayaa looga hortagi karaa xiiq dheerta?

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo qufaca xiiq dheerta (xiiqdheerta) waxay tahay in la istallaalo. Weliba waa mid si gaar ah aad muhiim ugu ah haweenka uurka leh in ay helaan tallaal uur kasta (waxaa habboon 27da iyo 36da todobaad) si loogu caawiyo kahortaga faafida cudurku kufaafo caruurta.
  • Tallaalka DTaP waxaa lasiiyaa dhallaanka iyo caruurta yar yarka ah. Shan qiyaas oo tallaal ah ayaa loo baahanyahay si loo hello ilaalin buuxda.
  • Caruurta waaweyn, dhallinyada, iyo dadka waaweyn ayaa kucaawin karta ilaalinta naftooda iyo kahortaga faafida cudurka uu kufaafo ilmaha marka laqaato tallaalka xoojinta Tdap.
  • Waalidiinta sidoo kale waxay ilmahooda dhallaanka ahi kucaawin karaan ka ilaalinta cudurka ayaga oo kafogeeya qofkasta oo qabba calaamado hargab ama qufacaya.
  • Haddii aad lasamaysay xiriir dhowaansho ah qof qabba xiiq dheerta, dhakhtarkaada ayaa kuuqori kara antibiyootik si looga hortago jeermiska jirada.
expand_less