Skip to main content
Many King County facilities are closed to the public, and many services are being offered remotely. Learn more about changes and cancellations.  
King County logo

Guriga joog, Caafimaad qab

Maarso 23 deeda, Guddoomiye Jay Inslee ayaa soo saaray amar dowladeed (Guriga joog, Caafimaad Qab). Baaqaas wuxuu sheegayaa in:

  • Degane kasta oo ku nool Washington waxaa laga rabaa inay guriga joogaan hadii aysan baahi degdeg ah qabin mooyee
  • Dhamaan shirarka loogu talagalay arrimaha bulshada, diinta iyo ujeeddooyinka madaddaalo waa mamnuuc.
  • Dhamaan ganacsiyada marka laga reebo ganacsatada muhiimka ah waa in la xiraa. Ganacsiyada ku shaqeyn kara teleefon ama ka shaqeyn kara guriga way sii socon karaan. Ganacsiyada lama huraanka ah waxaa ka mid ah dukaamada raashinka, farmashiiyada, bangiyada, xaruumaha caafimaadka, yutiilitida (sida biyaha iyo korontada), gaadiidka, xanaanada caruurta iyo waxii la mid ah.

Maxaa la oggol yahay

  • Dukaamaha Raashinka, cuntada laga dalbado maqaayadaha (adeegyada cunno gaarsiinta waa la oggol yahay)
  • Imaatinka ballamaha caafimaadka iyo tagista farmashiyaasha.
  • Lugaynta, orodka, bushkuleetiga iyo beeraha oo la beero.
  • Markaad banaanka u baxeyso waa inaad 6 fiidh u jirtaa dadka kale.
  • Aadista kaalinta shidaalka, bangiyada cuntada, dukaamada ku habboonka ah, bangiyada iyo dhar dhaqista
  • Sii wad shaqada haddii aad "ganacsiyo muhiim ah tahay"

Maxaa la ogolayn?

  • Kaqeybgalka nashaadaad kastoo oo madadaalo ah, hiwaayad ama naadiyo bulsho
  • Imaanshaha ama ciyaarista isboortiga iyo tabaabarka
  • Aadista xafladaha aroosyada ama aaska
  • Booqashada matxafyada, shaleemoyinka, matxafyada farshaxanka iyo lacag aruurinta
  • Aaditaanka riwaayadaha iyo dabbaaldegyada
  • Ka shaqeynta xarun jimicsi ama meel lagu jimicsodo
  • Aadista mehradada ciddiyaha, timo jaraha iyo kuwa tattooga
  • Aadida baararka ama wax ka cunista maqaayadaha (labadaba hawlo horeyba waa mamnuuc)

Waa maxay COVID-19?

COVID-19 (cudarka loo yaqaanay Nooval Koronavirus) waa nooc cusub ee feyras kamid ah, waxuuna u faafaa qof ilaa qof. Cudarkaan mareykanka iyo dalal kale oo badan ayaa laga helay. Asalkeeduna waxu ka yimid dalka shiinaha.

Sidee ayuu u faafaa Nooval Koronovirus (COVID-19)?

Khubarada caafimaadka ayaa wali waxay baraniyaan faafitaanka koronovirus. Haatan waxaa la filayaa inuu dhowr nooc u faafo:

  • Dhecaanka neefsashada ee qofka cudurka qaba ka baxo marku qufaco ama hindhiso.
  • Dadka isku meel wada joogo oo isku dhow (ilaa 2 mitir).
  • Hadii aad taabatid shay ama meel fayraska leh, ka dibna aad taabatid afkaaga, sankaaga, ama indhahaaga.

Waa maxay astaamaha fayrisku?

Dadka laga helay Caabuqa Xalfaafka Wadnaha waxay soo sheegeen astaamo ay ka mid yihiin muddo kooban oo 2 maalmood ah ama muddo dheer oo dhan 14 maalmood kadib marka fayrisku ku dhacay:

Waa maxay astaamaha fayrisku?

Haayada caafimaadka ee dadweynaha waxay la talinaysaa dadka khatar ugu jiro inay qaadaan cudurka daran. Dadkaasi waa inay guryahooda joogaan oo ka fogaadaan meelaha la iskugu yimaado. Dadka khatar ugu jiro inay qaadaan cudurka daran waxaa ka mid ah:

  • Dadka 60 sano ka weyn.
  • Dadka leh cuduro kale, cuduradaas o kamid ah cudurada wadnaha, sambabada, iyo sonkorta.
  • Dadka difaaca jirka u ku yaryahay.
  • Haweenka uurka leh.

Cidii Suaalo ka qabto in xaaladooda ay halis gelineyso, fadlan la tasho dakhtarkaaga.

Loo shaqeeyayaashu waa inay qaadaan tillaabooyin macquulsan, oo yarenayso shaqaalahooda inay ka shaqeeyaan shaqoyinka dadka tirada badan xiriir dhow la leh.

Loo shaqeeyayaashu waa inay:

  • Bixiyaan xulushooyin ay shaqaalahooda ku shaqaysankaraan guryahoda.
  • Ku booriyaan shaqaalaha inay gurigooda joogaan markay jiran yihiin.
  • Kordhiyaan faa iidooyinka shaqaalaha buko loogu talagalay, ama kuwa lagula taliyay inay guriga joogaan.
  • Ka fikiraan marxaladaha bilowga iyo dhamaadka shaqada. Si ay u yareyaan waqtiga dadka tirade badan isku imadaan.

Taariikhda markay ahayd maarso 12 keeda, 2020. Gudoomiyaha Gobolka Washington Jay Inslee wuxuu ku dhawaaqay in dhamaan iskuulada ku yaal degmooyinka King, Snohomish, iyo Pierce ay xirmi doonaan laga bilaabo maalinta talaado, maarso 17 keeda ilaa maalinta jimcada, abril 24 keeda. Go`aanku wuxuu jawaab u ahaa dhowr degmooyin u si xun ugu faafay COVID-19.

Waxaad yareyn kartaa halista naftaada ee ku keeni karto COVID-19, iyo tan ugu muhiimsan, kuwa kuu dhow:

  • Guriga joog markaad jirantahay oo ha tagin meelaha dadka isku yimadaan.
  • Hadii aad u baahato mooyee, ka fogow goobaha caafimaadka guud ahaan. Hadii aad xanuunsantahay, wac xafiiska dhakhtarkaaga intaadan galin.
  • Hadii aadan xanuunsaneyn xitaa iska ilaali booqashada isbitaalada iyo xarumaha daryeelka. Hadii aad u baahatid inaad booqato xarumadahaas mid ka mid ah, waqtigaa joogto yaree, oo ka fogoo bukaanka ilaa 2 mitir
  • Hadii aada ka maarmin mooyee, Ha aadin qolka gargaarka degdega ah. Xirfadlayaasha ka shaqeeyo qolka gargaarka degdega ah, waxay u baahanyihiin inay marka hore u adeegaan baahiyaha ugu daran. Hadii aad leedahay qufac, qandho, ama astaamo kale, marka hore wac dhakhtarkaaga caadiga ah.
  • Ku dadaal caadooyinka nadaafada shaqsiyeed ee wanaagsan, oo ay kujiraan in aad gacmahaage ku dhaqdid biyo iyo saabuun in badan. Ku qufac tishuu ama xusulkaaga, oo iska ilaali taabashada indhahaaga, sankaaga, ama afkaaga.
  • Ka fogow dadka jiran, khaasatan hadaad khatar sare ugu sugan tahay koronavirus.
  • Nadiifi meelaha aad loo taabto ( sida nal shidida iyo albaabaha guriga). Alaabaha guriga ee wax lagu nadiifiyo waa kuwo wax tariyo.
  • Ku dadaal nasasho badan, cab cabitaano fara badan, cun cuno caafimaad leh, oo isku day inaad yareesid istireeska, si aad u xoojisid bulshadaade.
  • Xaruunta King County Nooval Koronovirus, 206-477-3977. Khadkaan wuxuu furan yahay laga bilaabo 8 da subaxnimo ilaa 7 da habeenimo maalin walbe.
  • Xaruunta Washington Nooval Koronovirus, 1-800-525-0127. Khadkaan wuxuu furan yahay laga bilaabo 6 da subaxnimo ilaa 10 ka habeenimo maalin walbe.

Hawl wadeenaha ka hawlgala khadka cawinta waxay awoodaan inay kugu xiriiriyaan turjubaan. Dadka soo wacayo waa inay sheegi karaan luqada ay u baahan yihiin. Ugu dambeyntana, Dadka soo wacayo waxay la kulmi karaan waqti dheer oo sugitaan badan leh.

Diyaar u noqo inaad is caawisaan. Dareenka adag ee bulshada waxay inow fududaynaysaa inaan arintaan adag wado marno.

Xarunta Wicitaanka: Helitaanka adeegyada tarjumada

Tarjubaano luuqadeed ayaa Xarunta Wicitaanka ee King County kooronafayras diyaar kuugu ah.

Si aad u codsato turjubaan:

  • Wac 206-477-3977
  • Fariin ayaa maqli doonta. Sug hawl wadeenaha xarunta wicitaanka
  • Codso luqadda aad rabto adoo Ingiriis ku hadlaya.
  • Tusaale ahaan: dheh “Isbaanish"(ha dhihin isbanyool).
  • Shaqaalaha xarunta wicitaanku ayaa wici doona tarjubaan. Ha dhigin telefoonka. Joog ilaa laguugu xiro tarjubaan.
  • Su'aashaada tarjubaanka weydii