Skip to main content

Xaqiiqooyinka Qanjo barar/Qaamow qashiir

Xaqiiqooyinka Qanjo barar/Qaamow qashiir

Mumps facts in Somali

Maxay tahay?

  • Qanja barar/Qaamow qashiir waa xanuun ay sababto cudurka fayrask a mambis. Waxay ku dhici kartaa dadkii dhashay 1967 oo aan qaadan tallaalka qanjo bararka/qaamow qashiir. Dhammaan dadka waawayn ee dhashay ka hor 1957 waxaa uu ugu dhacay si dabiica ah markay carruurta ahaayeen si maangal ahna way iska difaaci karaan.
  • Cudurada suuragalka ah ee raaca waxaka mid ah maninjaytis (bararka daboolka maskaxda iyo xangulaha, ololka maskaxda (bararkamaskaxda), dhego la'aan, bararka ugxan sidaha dheddig ama xiniinyaha labka. Dhego la'aan joogta ah ama ku meel gaadh ah ayaa wakhtiyada qaar dhacda.
  • Fayrasku waxa uu keeni karaa in uu ka soo dhaco Ilmahu iyagoon noolayn haddii haweenayda uu ku dhaco saddexda bilood ee u horreeya ee ay uurka leedahay.

Waa maxay calaamadahu?

  • Calaamadahu caadi ahaan waxay muuqdaan 12 ilaa 25 maalmood kadib cudurka oo waxaa ku jiri kara:
    • Xummad/Qandho
    • Madax xanuun
    • Muruq xanuun
    • Daal
    • Nafsada cuntada oo yaraata
    • Barar iyo jileec qanjidhka candhuufta ee barotidh(ee meel kula yaal dhabankaaga, meel u dhow laynka daanka ee dhegaha ka hooseeya) ayaa inta badan uu saameyaa.
  • Qiyaastii1/3 dadka uu ku dhaco wax calaamada ma leh.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Qanjo barar/qaamow qashiir waxaa faafiya taabashada tooska ah ee qofka cudurka qaba ama dhibco candhuufa ama xaako ka soo baxday afka, ama duuf sanka, ama hunguriga/dhuunta qofka qabaa marka uu hindhiso ama uu qufaco.
  • Dadka qanjo barar/qaamow qashiir qabaa waa ay ku faafin karaan kuwa kale xanuunka laga bilaabo 3 maalmood ka hor inta aanay caalamaduhu soo bixin ilaa 5 maalmoodka dib markay caalamaduhu soo baxaan.

Sidee lagu baadhaa oo loo daweeyaa?

  • Qanjo barar/qaamow qashiir caadi ahaan waxaa lagu baadhaa canka hoose iyaddoo lagu baadho suuf iyo dhiig laga qaado.
  • Ma jirto daawayn gaar ah oo uu leeyahay qanja bararka/qaamow qashiirka. Bararka ay keento qanja xanuunku caadi ahaan waxa uu isaga tagaa 10 maalmood gudahood.

Sidee looga hortagi karaa qanjo barar/qaamow qashiir?

  • Dariiqada ugu wanaagsan ee looga hortago qanjo xanuunka waa tallaalka MMR loo yaqaan. Waxay isku xidhaysaa tallaalka qanjaha iyo ka jadeecada ama jaceedoJarmalka.
  • Dhammaan carruurta iyo kurayda waa in ay qaataan laba jeer/goor. Badanka carruurta la tallaalay 12 ilaa 15 bilood jir waa in ay qaataan tallaalka labaad da'da 4 ilaa 6 sano. Gobolka Washington, dhammaan carruurta waxaa looga baahan yahay in ay qaataan tallaalka MMR gelitaankooda dugsiga ama goobta daryeelka carruurta.
  • Tallaalka labaad ee MMR waxaa lagu latalinayaa dadka waawayn kuwaasoo ah:
    • Ardayda ku jira hay'adaha waxbarasho ee ka dambeeya dugsiga sare(dugsiga sare kadib)
    • Ka shaqaynaya goobaha daryeelka caafimaad, ama
    • Qorshaynaya in uu u safro Maraykanka dibadiisa
expand_less