Skip to main content

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada caabbiga-Methicillin S. Aureus (MRSA)

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada caabbiga-Methicillin S. Aureus (MRSA)

MRSA facts in Somali

Maxay tahay Bakteeriyada Masuulka ka ah Jeermisyo baddan oo ay adagtahay daaweyntooda?

MRSA waxay tahay Bakteeriyada caabbiga-methicillin Staphylococcus aureus, nooc kamid ah bakteeriyada taas oo u adkaysata ama iska caabbisa antibiyootikada qaarkeed. Inbadana oo jeermiska MRSA ee kajira bulshada dhexdooda waa jeermisyo ama jirooyin maqaarka ah.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

Xanuuno kudhaca lalaabadka maqaarka inta baddan kubilaabata dhaawac u ogolaanaya bakteeriyada in ay gasho maqaarka kadibna noqota xanuun. Calaamadaha waxaa kamid ah:

  • Daqar ama meel jiran oo maqaarka kamid ah meeshaas oo guduud ah, diiran, bararsan, xanuuna baddan. Meesha dhaawaca ahi waxay noqon kartaa meel ay malax kabuuxdo ama dheecaan.
  • Dadka qaarkii waxay qabbi karaan qandho iyo qarqaryo.
  • Xanuunada laalaabadka mararka qaar waxaa lagu khaldaa qaniinada caarada.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Bakteeriyada MRSA waxay kufaaftaa xiriir isku soo dhowaansho ah taas oo lagu dhowaado maqaarka dadka jiran ama lala wadaago waxyaabaha shakhsiga ah kuwaas oo taabtay maqaarka ama jirka xanuunsan. Tusaalooyinka kusaabsan waxyaabaha lawadaago kuwaas oo uu kufaafi karo bakteeriyada kooxaha ahi waxaa kamid ah shukumaanada, saabuunta, marooyinka lagu duubo dhaawaca, faashadaha, go'ayaasha, dharka, fadhiyaasha musqulaha qabeyska iyo barkadaha biyaha kulul, iyo qalabka ciyaarta.
  • Dheecaanka dhaawaca iyo malaxda waa mid aad u jeemis baddan.
  • Dadka qaar oo bakteeriyada MRSA kusida sankooda ama dhuunta malahan calaamado, laakiin waxay khatar sareysa ugu jiri karaan jeermisyada bakteeriyada MRSA.

Sidee bakteeriyadaan MRSA lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Bakteeriyada MRSA inta baddan waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan lagu sameeyo suuf kaas oo lageliyo meesha jiran. Jirooyinka halista ah ee bakteeriyada MRSA, baaritaanka wuxuu dad kucaawinayaa xadidaada nooca antibiyootikada la isticmaalayo si loo daaweeyo jeermiska ama jirada.
  • Daaweynta waxaa kamid noqon kara in laqalajiyo malaxda kadibna boogta lanadiifiyo antibiyootig ama antibiyootig la'aanba.
  • Bakteeriyada MRSA ee halista ah waxay u baahantahay daaweyn antibiyootig ah mararka qaarna, isbitaal dhigid iyo qaliin.

Sidee bakteeriyada MSRA looga hortagayaa?

  • Kudhig marwalba dhaawaca iyo nabarada kuwo nadiif ah oo daboolan.
  • Kafogoow taabashada dhaawacyada dadka kale, faashadaha iyo marooyinka boogta lagu xiro.
  • Si dhakso ah u arag bixiyaha daryeelka caafimaadka hadii dhaawacyadu noqdaan guduud, kuleyl, bararsanaan ama xanuun daran, ama hadii ay kasii xumaadaan kadib daaweynta.
  • U dhaq gacmaha si joogto ah.
  • Kafogoow in aad dadka lawadaagto waxyaabaha shakhsiga ah sida maqaysada.
  • Qabeyso shaqada kadib iyo jimicsi kaleba.
expand_less