Skip to main content

Hepatitis A in Somali

Hepatitis A in Somali

Muxuu yahay?

Cagaarshowga A waa cudur beer oo faafa kaas oo sabab u tahay jeermiska lasocda feyraska Cagaarshowga A (HAV). Waxay u kala duwanaan kartaa darnaanta xanuunkiisa jiro dhexdhexaad ah oo sii jireysa todobaadyo yar illaa jiro daran oo sii jireysa dhowr bilood.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

  • Calaamadaha cudurka inta badan waxay biloowdaan 2 illaa 6 todobaad kadib marka uu feyraska u feydmo. Muddada jiradu waa mid kala duwan, in baddan oo dadka kamid ahna waxay kureysadaan 3 todobaad gudahooda. Jeermiska ama jirada Cagaarshowga A waa mid aad ugu daran da'da, xaalado aad u yarna, wuxuu sababi karaa dhibaatooyin daran iyo guul daro kudhacda beerka.
  • Dadka waaweyn, calaamadaha hore waxaa kamid ah:
    • Cunno xummid ama wax cunida oo yar
    • Lalabo iyo matag
    • Daal
    • Qandho
    • Xanuun caloosha ama dhinac ah
  • Kaadi midabkeedu cagaar mugdi ama kafeey ah, or brown urine, saxaro midab barax ama midab-cadaan ah leh (dhaqdhaqaaqa caloosha ah), iyo cagaarshow (indho jaale ah ama maqaarka oo jaale noqda) sidoo kale way jiri kartaa laakiin ma ahan mid dhacda xaaladaha oo dhan.
  • Dadku wey qabbi karaan dhammaan ama keliya waxyar oo calaamado ah.
  • Dadka qaar oo qabba jirada cagaarshowga A, gaar ahaan caruurta yar-yar, keliya waxay qabbi karaan jiro dhexdhexaad ah oo eg sida-hargabka midaas oo aan lasocon jirku in uu jaale noqdo, ama waxaaba dhici karta in aysan wax calamaado ah qabbin.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Feyraska wuxuu jirka uga tagayaa tooska saxarada (xaarka) ee dadka jiran. Kuwo kalena waxay cudurka qaadaan marka gacmaha, cuntada, ama qalabka lagu wasakheeyay saxarad jeermis leh la geliyo afka. Tirada wasakhda u baahan in ay faafiso jeermiska waa mid aad u yar mana ahan mid ay ishu arkayso.
  • Cagaarshowga A wuxuu kufaafi karaa:
    • Marka qofka jiran uusan isla marka uu musqusha kasoo baxo isaga dhaqin gacmihiisa.
    • Cabbida biyo ama cunida xayawaanka badda qolofta leh midkaas oo kuwasakheysan feyraska.
    • Tooska hawl galmo hadii gacmaha ama afka taabto saxaro ama qayb jirka kamid ah halkaas oo gaartay saxarada ama kuwasakhaysan.
  • Qofka wuxuu aad ugu dhowyahay qaadsiinta cudurka inta lagu guda jiro 2 todobaad kahor 1 todobaad oo kadanbeysa marka ay calaamadaha jirada biloowdaan.
  • Cagaarshowga A ma ahan mid kufaafa dhunkashada, hindhisada, ama candhuuf.

Sidee lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Cagaarshowga A waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan dhiiga lagu sameeyo.
  • Majirto daaweyn xadidan oo loogu talo galay cagaarshowga A.
  • Nasasho, cunto ay baruurtu kuyartahay, iyo dareere ama cabbitaan baddan ayaa lagula talinayaa qofka cudurkaas qabba. Daroogada iyo khamrada waa khasab in laga fogaado.

Sidee cagaarshowga A looga hortagi karaa?

  • Qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo cagaarshowga A waa tooska tallaalka ay lasocoto tallaalka cagaarshowga A, tallaalkaas oo bixiya ilaalin soconaysa sannado baddan. Tallaalka waxaa lagula talinayaa oo loogu talo galay:
    • Dhammaan caruurta da'adoodu tahay 1 illaa 18 sanno.
    • Raga u galmooda rag kale.
    • Kuwa isticmaala daroogada (isdurid irbad ama isdurid irbad-la'aan).
    • Socdaalayaasha caalamiga ah halkaas oo uu kubadanyahay cagaarshowga A (ay kujirto dhammaan dunida oo dhan aan ka ahayn dalka Kanada, Yurubta Galbeed iyo dalalka Iskandanafiyanka, Jaban, New Zealand, iyo Ustaraaliya).
    • Dadka qabba cudurka daba dheeraada ee beerka, ay kujirto cudurada daba dheeraada ee cagaarshowga B iyo cagaarshowga C.
    • Dadka qabba xanuunada cunsurka xinjirowga, sida dhiig baxa.
    • Qofkasta oo doonaya in uu iska difaaco cudurka cagaarshowga A.
  • Gebi ahaanba kudhaq gacmaha saabuun iyo biyo socda, oo kulul kadib marka aad musqusha isticmaasho, bedesho xafaayada, iyo kahor inta aadan diyaarin ama cunin cuntada.
  • Kacab biyaha keliya ilo la ogolaaday. Biyaha oo loo koleereeyo sida ay kutalisay Dowlada Maraykanka waxay joojin kartaa Feyraska Cagaarshowga A. Karkarinta biyaha ama karinta cuntada (ay kujirto xayawaanka badda qolofta leh) iyo waxyaabaha cabbitaanada ah ugu yaraan 1 daqiiqo oo ah 185° F (85° C) sidoo kale waxay joojisaa Feyraska Cagaarshowga A.
  • Haddii aad lakulantay feyraska cagaarshowga A.
    • Haddii aad lakulantay qof qabba cudurka qaab kasta oo ay noqoto inta lagu guda jiro labada todobaad ee kahoreysa inta aysan calaamadaha qofkaas bilaabmin tooska hal todobaad kadib adigana aadan weli iska talaalin cagaarshowga A ama weligaada qabbey cagaarshowha A, adiga waxaad khatar ugu jiri kartaa qaadista cagaarshowga A.
    • Daaweynta kahortaga inta baddan waxay kahortagtaa cagaarshowga A hadii lasiiyo 14 maalmood gudahooda oo la kulmid ah. Daaweynta kahortaga waxaa lagu talin karaa hadii adiga:
      • Cuntid cunto ama gelisid afkaada waxyaabo uu gacanta kutaabtay qof qabba cudurka cagaarshowga A.
      • Aad lasamaysid galmo ama xiriir kale oo hoosaad qof qabba cagaarshowga A.
      • Ay yihiin caruur kaqayb galaysa, ama shaqaale kashaqeeya barnaamijka daryeelka cunuga kaas oo cunuga kale ama shaqaalaha uu qabbo cagaarshowga A.

Cagaarshowga A: Digniin caafimaadoo quseeysa dadka aan guryaha laheyn

Cagaarshowga A: Digniin caafimaadoo quseeysa dadka aan guryaha laheyn:


Nadiifinta lagu dilayo Cagaarshowga A

Nadiifinta lagu dilayo Cagaarshowga A

expand_less