Skip to main content

Xaqiiqooyinka (cudurka shubbanka)

Xaqiiqooyinka (cudurka shubbanka)

Giardiasis facts in Somali

Muxuu yahay?

Giardiasis waa jiro shuban oo sababta noole kudul nool noole kale kaas oo lagu magacaabo Giardia. Noole kudul noolaha Giardia wuxuu kunoolyahay mindhicirada waxaana lagu gudbiyaa saxarada qofka jiran.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

Calaamaduhu inta baddan waxay kabiloowdaan 1 illaa 3 todobaad kadib jirada waxaana kamid ah:

  • Shuban biyood, shuban urkiisu-daranyahay
  • Daacasho, caloosha oo taaganta (gaas)
  • Cunno xumo
  • Lalabo iyo matag
  • Dhaqdhaqaaq caloosha ah
  • Fuuqbax
  • Miisaan dhicid

Sidee ayuu u faafaa?

  • Noole kuduul noolaha wuxuu jirka uga tagayaa tooska saxarada (xaarka) ee dadka jiran. Kuwo kalena waxay cudurka qaadaan marka gacmaha, cuntada, ama qalabka lagu wasakheeyay saxarad jeermis leh la geliyo afka. Tirada wasakhda u baahan in ay faafiso jeermiska waa mid aad u yar mana ahan mid ay ishu arkayso. Faafida Giardia ee ka ahaata qofka jiran waxay dhici kartaa hadii uu qofku yahay mid asaga/ayada dareema xanuun iyo hadii kaleba.
  • Noole kudul noolaha waxaa qaab dabiici ah looga heli karaa qaar ilaha biyaha kamid ah (sida waraha iyo kelida biyo durdurka). Dadka cabba biyaha aan ladaaweyn ama laqa biyo marka ay kudabaalanayaan meelaha uu kunoolyahay Giardia dadkaas ayaa noqon kara kuwo kudhaca cudurkaan.
  • Sidoo kale dadka waxay kuqaadi karaan cudurkaan Giardia xiriirka ay layeeshaa xayawaanada jiran ama biyo ay wasakheeyeen xayawaanada.

Sidee lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

  • Giardia waxaa lagu ogaadaa baaritaan lagu sameeyo tusaale saxarada ah ee loogu talo galay noole kudul noolaha.
  • Mararka qaar tijaabooyin baddan ayay khasabtahay in lasameeyo kahor inta aanan garashada cudurka lasamaynin.
  • Giardiasis inta baddan wuu iska baaba'ayaa ayada oo aan ladaaweyn, laakiin qoraal daawooyin ah ayaa dhici karta in loo baahdo.

Sidee Giardia looga hortagi karaa?

  • Guud ahaan in gacmaha-ladhaqo ayaa ah qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo faafida jeermiska cudurka ee wadada mindhicirta.
  • Gacmaha sifiican ugu dhaq saabuun iyo biyo kulul kadib marka aad musqusha kasoo baxdo, kadib marka aad bedesho xafaayada, kadib marka aad gacmaha kutaabato xayawaanka, iyo kahor inta aadan wax cunin ama aadan diyaarin cuntada.
  • Kadhig musqusha nadiif dhigna saabuun iyo shukumaano nadiif ah.
  • U nadiifi oo u dhaq meelaha sida kuraasta caruurta, musqulaha, meelaha xafaayada, meelahaas oo lagu wasakheeyay saxarada ama taabatay, sidaan soo socota:
    • Kuxoq biyo nadiif ah iyo saabuun.
    • Kubuufi meesha nadiifiyaha ganacsiga ama qalabka wax cadeeya warankiilada (Isticmaal 1/4 koob oo ah dareeraha warankiilada guriga oo lagu daro cabir galaan biyo ah).
    • Kadhig dusha hawo qaleel ah.
  • Kaceli caruurta in ay waxyaabaha geliyaan afkooda, gaar ahaan marka ay lawadaagayaan qalabka lagu cayaaro caruur kale.
  • Kuceli guriga caruurta kuwaas oo tegay xarumaha daryeelka cunuga hadii ay qabbaan shuban.
  • Kafogoow in aad biyaha kacabtid waraha meelaha ay biyuhu fariistaan, webiyada, ama barkadaha.
  • Kafogoow taabashada saxarada inta lagu guda jiro galmada.
expand_less