
Best Starts for Kids (Bilaabo u Khayr loogu tala Caruurrteeda) (BSK) Sahan lagu Caafimaadka
Baadhitaan qoysaska King County leh caruurta dugsiga hoose ama ka yar
Best Start for Kids waxay galayaan sanadkii lixaad waxayna sii wadayna maalgashiga bulshooyinka guud ahaan King County. Xog aruurinta caafimadka ilmaha ee Best Start for Kids wuxuu naga caawinayaa inaan fahanno xoogga iyo baahida ugu weyn ee carruurteenna, iyo isbeddelada ku dhaca bulshadeenna.
Waalidnimadu waa shaqo adag, waxaan rajayneyna in barashada khibradahaaga waalid ahaan, caafimaadka ilmaha, awooda qoyska, iyo taageerada bulshada ay ka caawin doonto dhammaan carruurta ku nool King County - oo ay ku jiraan caruurtaadu - inay ku koraan farxad iyo caafimaad.Wa maxay Xog uruurinta caafimadka ee Best Start for Kids?
-
Xog aruurin lagu baranayo caafimaadka, ladnaanta, awoodaha, iyo baahida caruurta yar yar iyo qoysaskooda ku nool King County.
- Xog aruurinta caafimadk ilmahawuxuu diirada saaraa qoysaska King County oo leh caruurta dhigata dugsiga hoose ama ka yar.
- Su'aalaha xog-uruurinta waxay ku weydiin doonaan caafimaadka caruurtaada. Tusaale ahaan:
Daryeelka caruurta |
Xiriirka waalidka-ilmaha |
Naas-nuujinta |
Khibradaha carruurnimada hore |
Misaan Caafimad qaba |
Dhaqdhaqaaqa jirka |
Hibradaha dugsiga |
Xanaanada caruurta iyo dugsiga ka dib |
Bulshada iyo taageerada waalidka |
Baahida asaasiga ah |
Awooda qoyska |
Taagerida waalidka |
Yaa ka qeyb gali karo?
-
Dhammaan waalidiinta ku nool KingCounty ee wata carruurta dugsiga hoose waxaa lagu casuumayaa inay qaataan xog aruurinta caafimadka ilm ha horaanta 2021. xog aruurinta waxaa lagu heli karaa toddobo luqadood oo kala ah: English, Chinese, Korean,Russian, Spanish, Somali iyo Vientamese
-
January – March 2021: Qiyaastii 15,000 waalid / daryeeleyaal ah oo ku nool King County ayaa si aan kala sooc lahayn loogu dooran doonaa inay kaqeyb qaataan. Haddii qoyskaaga la xusho, waxaad heli doontaa warqad iyo tilmaamo lagu buuxiyo Daryeelka Caafimaadka Carruurta.
-
April - June 2021: Xog aruurinta caafimadka ilmaha waxey u furnan doonta waalidinta ilmaha dugsiga hoose iyo inta ka yar.
Best Start for Kids ayaa aya la garab shaqeynaya Jaamacadda Washington ee Iskuulka Daraasadda Shaqada Bulshada Qaybta Cilmi-baarista si loo sameeyo xog aruurin Caafimaadka Caruurta. Ka qeybgalayaasha waxaa lagula xariiri doonaa waraaqo ama wicitaano. Xog aruurinta Caafimaadka Carruurta waxaa lagu dhameystiri karaa khadka tooska ah, taleefan,ka ama warqad hada codsadto
Maxaan uga qaybgalaa?
-
Codkaaga waa muhiim.
-
Best Starts for Kids waa qorshe bulshada u codeyeen oo loogu talagalay in lagu dhiso awooda qoysaska.Warbixinta an waalidka laga helo waxey hagaajin doonta wax qabadyada ee Best Start for Kids
- Best Start for Kids waxey u shaqeyan in la hubiyo in ilmo kasta, oo ay ku jiraan kuwaagu, ay leeyihiin fursada ugu wanaagsan ee ay ku guuleystaan nolosha.
- Xog aruurinta Caafimaadka Caruurta wuxuu naga caawin doonaa inaan fahano awoodaha iyo baahida ugu waaweyn ee caruurta beesheena- guud ahaan dhaqanka iyo luqadaha kala duwan ee King County.
- Best Start for Kids ayaa la wadaagi doona waxa aan ka baranayno xog aruurinta Caafimaadka Caruurta.
- Xog aruurinta way sii socon doontaa waqti ka dib si ay nooga caawiso inaan la socono bal inaan wax ka badalno caafimaadka caruurta King County.
- Ka qeyb gal kaagu waa ikhtiyaar waadna ka boodi kartaa su'aalaha ama joojin karta jawaabida su'aalaha wakhti kasta.
Sidee ilmahayga loogu doortaa si aan kala sooc lahayn?
-
Hadii qoyskaagu warqad ku helaann boostada, ilmahaaga waxaa loo doortay si aan kala sooc lahayn inuu uga qaybgalo:
- Magaca cunugaaga iyo macluumaadka waalidka waxaa si nabadgelyo iyo asturnan leh u aruriyey Public Health - Seattle & King County oo kaashanaya Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington iyo degmada Dugsiyada dadweynaha ee King County.
- Xulashada kala sooc la'aanta ah, waxaa jirta fursad wanaagsan oo natiijooyinka ka turjumi doonaan fikradaha iyo waaya-aragnimada dhamaan qoysaska King County ee leh caruurta yaryar.
Sidee daraasadu u ilaalisaa macluumaad keyga si aamin ah oo qarsoodi ah?
- Dhamaan jawaabahaaga waa qarsoodi. Kaliya shaqaale tababaran oo fasaxa lo siiya inay ku shaqeeyaan macluumaadka sirta ah ayaan arki doonaa kara jawaabaha dhamaan macluumaadka si taxaddar leh ayaa loo keydiya iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad sugan.
- Magacyada caruurta waa la tirtiray si jawaabaha loo ilaaliyo qarsoodi oo kaliya natiijooyinka la soo koobay ayaa si guud loo wadaagi doonaa. Ma jiro qof qoys ama shaqsi la aqoonsan karo, xogtana waxaa loo uruuriyaa oo keliya in lagu wargeliyo shaqada Best Start for Kids.
- Macluumaadkaagu waa aamin in laga bixiyo internetka. Dhamaan macluumaadka xog aruurinta waxaa lagu ururiyaa iyadoo la adeegsanayo heerar adag oo amniga iyo sirta ah.
- Marnaba ku weydiisan mayno adiga ama ilmahaaga
- Social Security Number
- Macluumaadka Credit Cardka
- Macluumaadka Bankigaga
- Lacag ama Sadaqo
Hadii aad wax su’aal dheeraad ah ka qabto laso xariir
Fahmo Abdulle