|
Shigellosis facts in Somali |
- Shigellosis waa infekshan mindhicirrada gala ee ay keenaan baktiiryada loo yaqaan Shigella.
- Shigella waxaa ay keeni kartaa infekshan u baahan in cusbitaal la geliyo carruurta yar iyo waayeelka da’da weyn.
- Cudurka waxaa uu billawdaa 1 illaa 4 cishood kaddib marka baktiiryada la liqo waxaanna ay raagtaa 5 illaa 7 cishood.
- Dadka qaarkii ma qabaan amaba waxaa ay qabaan calaamaad yar walina waa ay u gudbin karaan infekshanka dadka kale.
- Calaamaadka waxaa ka mid ah:
- Shubanka (biyo ama dhiig ayeey wadan kartaa)
- Xummad
- Calool xanuun
- Lalabo ama matag
- Kiisaska daran waxaa ay keeni karaa dheecaanka jidhka oo yaraada (dheecaanka oo dhammaada) ama gariir (carruurta yar) kiisaska darani.
- Shigella waxaa ay ku jidhaa saxarada (dhaqdhaqaaqa caloosha) ee dadka xanuunsan muddo asbuuc ama laba kaddib marka ay bogsodaan.
- Shigella waxaa ay ku faaftaa goorta gacmaha, cunnada, biyaha ama alaabta ay dadka kale taabtaan (waxyaabaha lagu ciyaaro, qallimada, iwm.) uu soo gaaro saxarada qof infekshanka hayo kaddibna gala afka qof kale (tusaale ahaan goorta qof infekshanka qaba uusan si fiican isaga dhaqin gacmaha kaddib marka uu suuliga isticmaalo).
- Cadadka inta infekshanka keeni karta waa mid aad u yar (aragti iyo ur ahaanba aad u yar).
- Shigella waxaa faafin kara dadka qaba xittaa haddii aysan calaamado qabin.
- Shigella waxaa ay faafi kartaa xilliyada isutagga haddii aan gacmaha iyo afka ay taabtaa meelaha jidhka ka midka ah ee ay saxaradu gaadhay.
GARASHADA CUDURKA IYO DAWAYNTA |
- Infekshanka shigella waxaa lagu gartaa baaritaanka saxarada.
- Kiisaska qaarkood antibiyootikada ayaa loo qori karaa si ay u soo gaabiso cudurka jiritaankiisa iyo muddada baktiiryada ay saxarada ugu soo gudbayso.
- Dadka xanuunkoodu yar yahay waxaa ay bogsoon karaan daawo la’aan.
- Dawooyinka shubanka ma aha in loo isticmaalaa dawaynta infekshanka Shigella waayo xanuunka waa ay kaga dari kartaa.
- Shigellosis waxaa looga hortagi karaa iyadoo gacmaha si fiican loogu dhaqo saabuun iyo biyo diiran kaddib marka suuliga la isticmaalo, kaddib marka saxarada laga beddelo carruurta, iyo ka hor inta aan cunnada la diyaarin iyo la cunin.
- Carruurta ee aan si fiican loo barin nadaafadda suuliga ee ku jira xarumaha xanaanada iyo guryaha waa in ay gacmaha si joogta ahi u dhaqaan iyadoo uu qof weyni dusha ka eegayo
- Dadka qaba shigellosis ma aha in ay cunnada diyaariyaan ama biyo u shubaan dadka kale illaa ay ka bogsoodaan ama takhtarka uu u sheego.
- Marka ay suuragalka tahay, carruurta yar ee qaba infekshanka Shigella ee weli loo geliya saxaro celiyaha ma aha in ay ka ag dhawaadaan carruurta aan qabin.
- Fiiro gaar ah u yeelo tuurista alaabta ay carruurta ku saxaroodaan iyo waxyaabaha kale ee aadanaha ka yimaado.
- Meelaha jikada lagu shaqeeyo nadiif ha ahaadeen.
- Carruurta iyo dadka waaweyn ee shubanka qaba ma aha in ay isticmaalaan barkadaha dabaasha dadweynaha illaa ay ka bogsodaan.
MUHIIM: Xeerka Gobolka Washington waxaa uu ka doonayaa waaxyada caafimaadka ka xayiraadda meelaha qaarkood dadka qaba infekshanka Shigella.
Carruurta qaba Shigella-da ma aha in ay tagaan barnaamijyada xanaanada carruurta, iyo raashin kariyeyaasha, shaqaalaha daryeelka xanaanada, iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee toos bukaanka ula xiriira waa in ay hawlahani qaban illaa laga daweeyo, aysan xanuunsanayn oo ay qaybta caafimaadka u sheegtay in ay dib ugu laaban karaan. |