|
E. coli O157:H7 facts in Somali |
- E. coli waa baktiiriya ku dhex nool caloosha aadanaha iyo xoolaha, qaasatan lo’da.
- Caqabado badan ayuu baktiiryada E. coli leeyahay. Badankood halis ma laha. Hase ahaatee, E. coli O157:H7 waxaa uu dadka ku noqdaa cudur xun.
- Shuban oo dhiig noqda.
- Xanuun badan ee caloosha.
- Xumaddu waa ay yar tahay amaba ma jirto
- Calaamaadka waxaa ay soo if-baxayaan 1-10 cishood gudahood kaddib marka laga ag-dhawaado, caadiyan 2-4 cishood.
- Kiisaska qaarkood, E. coli O157:H7 waxaa uu keenaa dhibaatooyin waxyeela kilyaha kuwaasoo loogu yeedho Calaamadda kaadida ee hemolytic (hemolytic uremic syndrome), ama HUS. Tani waxaa ay ku badan tahay carruurta iyo waayeelka.
- E. coli 0157:H7 waxaa uu ku faafi karaa iyadoo ay lo'da u soo gudbiso dadka kaddib marka la cuno hilibka cayriinka ah ama
kan
aan si fiican loo karin, caanaha ama burcadda aan la’ karin, biyaha halaysan, iyo cunnada ay ku jirto alaabta cayriinka ah ee lo’da.
- E. coli 0157:H7 waxaa ay sumeyn kartaa khudradda, casiirka aan baktiiryada laga dilin, iyo biyaha lagu dabaasho
- E. coli O157:H7 waxaa uu ku faafi karaa marka laga ag dhawaado xayawaanka xadiiqadaha ama beeraha haddii aan si fiican gacmaha loo mayrin.
- E. coli O157:H7 infekshannada ka dhasha waxaa ay faafaan goorta gacmaha, cunnada, biyaha ama alaabta ay dadka kale taabtaan (waxyaabaha lagu ciyaaro, qallimada, iwm.) uu soo gaaro saxarada qof infekshanka hayo kaddibna gala afka qof kale (tusaale ahaan goorta qof infekshanka qaba uusan si fiican isaga dhaqin gacmaha kaddib marka uu suuliga isticmaalo).
GARASHADA CUDURKA IYO DAWAYNTA |
- E. coli O157:H7 waxaa lagu gartaa iyadoo la baaro saxarada iyadoo la isticmaalayo qalab qaas ah ee aan laga helin shaybarrada dhammaantooda. Haddii E. coli O157:H7 laga shakiyo haddii uu jiro infeshan, takhtar waa in uu codsadaa abuuritaanka saxarada ah sii looga eego E. coli O157:H7.
- Antibiotic-da ma lagula taliyo dawaynta E. coli O157:H7 shubanka ayaa cudurka kaga sii dari kara. Dadka badankiis maalmo yar gudaheed ayeey ku bogsoodaan iyagoo daawo qaas ah qaadan.
- Sida shubanka, waa muhiim in la cabo biyo badan si looga hortago in jidhka qalalo (dheecaanka la beelo).
- Ha isticmaalin dawooyinka shubanka si aad u daweysid shubanka E. coli O157:H7 waayo xaaladda waa ay kaaga sii dari kartaa.
- Hilibka ay wax gaareen waxaa uu u eg yahay una uraa si caadi ah, sidaa awadeed waa muhiim in la wada kariyo hilibyada oo idil, qaasatan hilibka shiidan, iyadoo la gaarsiinayo (to 160o F). Hilibka karsan waa in uu maariin ama madow qafiif ah u wada ekaadaa (aanan gaduud qafiif ahayn). Ma aha in uu lahaadaa dheecaan dhiig leh.
- Halis ma laha E. coli O157:H7 haddii hilibka lo’da, oo uu ku jiro midka shiidan si fiican loo kariyo.
- Haddii maqaayad lagaa siiyo hilib gaduud qafiif ah, qaasatan hamburger ama hilibka shiidan,dib isaga celi si si fiican loo soo kariyo.
- Gacmaha saabuun iyo biyo kulul si fiican isaga dhaq marka aad hilib taabato, suuliga tagayso ama aad saxarada ka beddelaysid canug, iyo ka hor diyaarinta cunnada iyo cunto cunidda.
- Alaabta cunnada lagu kariyo iyo dusheeda kaddib marka aad hilib cayriin taabato.
- Waxaad cabtaa caanaha iyo casiirka baktiiryada laga dilin waxaadna cuntaa oo keliya waxyaabaha caanaha laga sameeyey (tusaale ahaan burcadda ) taasoo ka sameysan caano la kariyey.
- Si fiican u dhaq (fiiq) faakihaadkaha iyo khudradda.
- Bar carruurta caadooyinka nadaafadda.
- Carruurta infekshanka hayo ka fogee carruurta kale iyo waayeelka si fiicanna ula soco talooyinka takhtarkaaga marka ay timaaddo ku noqoshada dugsiga iyo daryeelka xanaanada.
MUHIIM: Xeerka Gobolka Washington waxaa uu ka doonayaa waaxyada caafimaadka ka xayiraadda meelaha qaarkood dadka qaba infekshanka E. coli O157:H7. Dadka cunnada ka shaqeeya, daryeel fidiyeyaasha xanaanada iyo shaqaalaha caafimaadka oo toos bukaannada ula xiriira waa in aysan hawlahani qaban illaa uu cudurka ka istaago loona sheego in ay u laaban karaan waaxda caafimaadka xaafadda.