Skip to main content

Iska soo wareejinta xayawaanka

Iska soo wareejinta xayawaanka

red-fire-hydrant

Baaritaanka fursadaha kale

Waxaan fahamsanahay in ay jiraan xaalado badan oo keeni kara in milkiilaha xayawaanka uu tixgeliyo inuu iska soo wareejiyo xayawaanka(iisa). Si kasta ha ahaatee, iska soo wareejinta xayawaanka waa in loo arka inay tahay arrin kama dambeysa. Fadlan ka fiirso qodobbada soo socda kahor inta aadan qaadin go'aanka kama dambeytsa ah:

  • Talo u raadso tababaraha xayawaanka ama behaviorist ka caawini karta dhibaatooyinka dabeecadda caadiga ah.
  • Kala hadal dhaqtarka xayawaanka inuu baaro si uu meesha uga saaro arrimaha suurtagalka ah ee caafimaad ee saamayn kara dabeecadda xayawaanka..
  • Ka fikir inaad u guurto meel kale oo ka aqbalayaa xayawaanka.
  • Fiiri haddii saaxiibadaa iyo qoysku ay ku caawin karaan oo ku siin karaan meel ku meel gar ah xooga yar.
  • Kala tasho liiska hay'adaheena xayawaanka ee meelaha kale ee hareeraheena.

Howsha Iska soo wareejinta Xayawaanka

Haddii aad ugu dambeyntii go'aansato inaad iska soo wareejiso xayawaankaaga inay tahay wadada keliya ee ku banaan, waxaad u dhiibi kartaa xayawaankaaga RASKC. Fadlan daabac oo soo buuxi foomka su’aalaha ku khuseeya ee hoos ku qoran:

Fadlan fahamsanow in RASKC ay uga qabato xayawaanka milkiilayaasha iska wareejinaya xayawaankooda sida ay u soo kala horeeyaan, taas oo ku xidhan awooda hoyga la heli karo taasoo is bedeli karta maalin kasta. Fadlan soo wac (206) 296-3938 si aad u ogaato haddii hoygu ka qabanayo milkiilaha iska dhiibaya xayawaanka. Haddii aanan awoodin in maalintaas aannu qabano xayawaan dheeraad oo la iska dhiibayo, waxaan kugula talinaynaa in aad nagu soo celiso maalin kasta si aad u hubiso inuu boos jiro..

Marka aad keenayso xayawaankaaga Xarunta Korinta Xayawaanka si aad ugu dhiibto, fadlan soo qaado su'aalaha aad buuxisay iyo wax kasta oo diiwaanka caafimaadka xayawaanka (haysashada diiwaanka xayawaanku waxay dedejin doontaa howsha xayawaankaaga).

Qadka Macluumaadka Xayawaanka
206-296-7387

TTY Relay 711

expand_less