Skip to main content

Xaqiiqooyinka Campylobacter

Xaqiiqooyinka Campylobacter

Campylobacteriosis facts in Somali

Maxay tahay?

  • Campylobacteriosis waa cudurka xiidmaha oo ay sababto bakteeriyada Campylobacter.
  • Caadi ahaan waxaa laga helaa bakteeriyadan saxarada dadka cudurka qaba ama xayawaanka.
  • Walxaha cuntadda waxa wisikhayn kara Campylobacter inta lagu jiro farsamaynta ama diyaargaraynta.

Waa maxay caalaamaduhu?

Calaamduhu waxay ku bilaabmaan 1 ilaa 10 maalmood ka dib liqitaanka bakteeriyada (caadi ahaan 3 ilaa 5 maalmood) oo waxay noqon kartaa mid sahlan ama mid aad u daran. Calaamadaha waxaa ka mid ah:

  • Shuban (ay dhicikarto inuu dhiig leeyahay)
  • Calool maroojis
  • Xummad (waxay noqon kartaa mid aad u sarreeya)
  • Matag
  • Gariir (xaaladaha aadka udaran)

Sidee ayey u faaftaa?

  • Bakteeriyadu waxay xaadir ku tahay saxarada (xaarka) qofka cudurka qaba ama xawayaanka. Kuwa kale waxay ka qaadaan marka cunto ama waxyaalo kuwasikhoobay saxarada ay afka gashadaan.
  • Dariiqooyinka caadiga ah ee ay dadku ku qaadaan waxa ka mid ah:
    • Cunitaanka cunto wasikhowday, sida hilib digaag oo si liidata loo kariyay, jiiska laga sameeyay caanaha aan la karkarin, ama khudaarta leh diir adag iyo khudaarta aan si sax ah loo maydhin/dhaqin.
    • Cabitaanka biyaha wasikhoobay ama caanaha aan la karkarin.
    • Qabqabsashada xawayaanka guri joogta ah ama xawayaanka beeraha( khaas ahaan ayda yar yar ama bisadaha yar yare ee shubmaaya).

Sidee lagu baadho ama lagu daweeyo?

  • Campylobacteriosis waxaa lagu baadhaa baadhitaanka saxarada( xaarka).
  • Dadka badankoodu waxay iska ladnaadaan daawayn la’aan. Calaamaduhu waxay go’aamiyaan 2 ilaa 5 maalmood (wakhtiyada qaarna ka dheer). Haddii cudurku uu daranyahay ama muda dheeraado, waxaa loo qori karaa antibiyootik.
  • Cab dareere/cabitaan badan si aad uga hortagto fuuqbax (lumitaanka dareeraha) marka aad qabto Campylobacteriosis.

Sidee baa cudurka Campylobacter looga hortagi karaa?

  • Gacma-maydhidu waa habka ugu wanaagsan ee looga hortago Campylobacter iyo noocyada cudurada kale ee shubanka ee la kala qaado.
  • Ku maydh gacmaha saabuun iyo biyo diirran ka dib markaaad tagto Musqusha/Suuliga, beddelka xafaayadda, taabashada xawayaanka ama saaladdooda, iyo ka hor wax cunidda ama cunto diyaarg araynta.
  • Cab oo keliya caano la kar kariyay oo cun keliya jiiska laga sameeyay caano la karkariyay.
  • Si buuxda u kari dhammaan hilibka, gaar ahaan digaaga iyo hilibka doofaarka. Dhammaan hilibka digaaga waa in la kariyaa si ay heer kulka gudahu ugaadho165°F.
  • Maydh looxa wax lagu jarjaro iyo miisaanka loo isticmaalo diyaar garaynta hilibka iyo digaagga islamarkiiba isticmaal ka dib si aad isaga ilaaliso wasikhaynta cuntooyinka kale.

Ogow: Dadka shubmayaa waa in aanay u diyaar garayn ama cuntadda u qaybin ama cabbitaanka kuwa kale, carruurta daryeelin, ama bixin daryeel caafimaad. Carruurta shubmaysaa waa in aanay ka soo xaadirin daryeelka carruurta ama dugsiga.

expand_less